Qarax khasaaro ka dhashay oo goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax xoogan ayaa waxa uu goordhow ka dhacay Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir, kaasi oo inta badan laga wada maqlay Degmada.

Qaraxa ayaa lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsanaa dowlada kuwaasi oo uu Qaraxa kasoo gaaray khasaaro kala duwan.

Qaraxa ayaa ka dhacay koontaroolka Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin Xaafada Waxar-cadde ee Degmada Hilwaa ee Gobolka Banaadir.

Inta la xaqiijiyay Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay laba Askari, halka sidoo kale uu dhaawac kasoo gaaray ilaa Seddex Askari iyo dad shacab ah oo xiliga Qaraxa maraayay hareeraha Koontaroolka.

Maamulka Degmada iyo Hay’adaha amaanka ayaan wali ka hadal Qaraxaasi lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com