XOG Cusub: Madaxweyne ku-xigeenka KENYA oo ku wajahan magaalada HARGEYSA

Muqdisho (Caasimada Online)-Ilo diblumaasiyiin ah ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne ku-xigeenka dalka Kenya William Rutto uu dhawaan booqasho rasmi ah ku tagi doono magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.

Booqashada William Rutto, ayaa la sheegay inay la xiriirto xiriirka cusub ee ka dhex bilaaban doono Dowlada Kenya iyo Maamulka Somaliland ee salka ku haya kala bedelashada aqoonsiga iyo u iibgeynta qaadka.

William Rutto, ayaa magaalada Hargeysa booqan doona dabayaaqada bishan September, waxaana la xaqiijiyay in booqashadaani ay tahay mid qarsoodi ah.

Sidoo kale, booqashadaani Madaxweyne ku-xigeenka dalka Kenya William Rutto uu ku gaari doono magaalada Hargeysa ayaa waxaa dhankiisa ka xaqiijiyay Guddoomiyaha Gobalka Meru, Peter Munya.

Peter Munya, ayaa hadalkaani sheegay xili uu difaacaayay booqashadii uu dhawaan ku gaaray magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulak Somaliland, waxa uuna cod dheer ku sheegay in mid lamid ah Booqashadiisa uu magaalada Hargeysa ku gaari doono William Rutto.

Guddoomiyaha Gobalka Meru, Peter Munya waxa uu sheegay in booqashadii uu ku gaaray Hargeysa ay ka saameyn badnaan doonto Booqashada Madaxweyne William Rutto uu halkaasi ku gaari doono.

Arrintaani ayaa imaaneysa iyadoo Dowladda SomalOnlineia ay Guddoomiyaha Gobalka Meru, Peter Munya ku eedeeysay inuu Faragelin ku hayo Arrimaha Gudaha Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com