Yaab cusub: Puntland “Dadka ka imanaya Koonfur waxaa laga doonayaa damiin”

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay oo haatan ku sugan degmada Galkacyo gobolka Mudug ayaa soo saaray digreeto kale oo ammaanka ku saabsan taasoo khusayn doonta, baabuurta isaga kala gooshta gobollada maamulkaasi ee qaada dadweynaha.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in laga billaabo taariikhda warqadaasi ay soo baxdo in dhammaan baabuurta ka imaaneysa K/Soomaaliya ee soo galeysa deegaanada Puntland in dadka saaran loo helo damiin.

Amarkan oo maanta soo baxay ayaa sidoo kale dhigaya in la baaro baabuurta rakaabka qaada ee ku dhex safarta gobollada Puntland, waxaana lagu amray baraha kantaroollada inay baaraan islamarkaan liis-gareeyaan dadka saaraan gawaarida ka hor intaan loo ogolaan inay sii wataan socdaalkooda.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu amray in laamaha ammaanka loo gudbiyo cid kasta oo aan haysan dammaanad ama la aqoosan waayo.

Waxaa sidoo kale digreetada lagu sheegay in baabuurta rakaabka sida waraaq caddayn ah ka qaataan saldhigga degmada ay ka baxayaan ka hor intaysan aadin goobta ay u socdaan.

Qorshahan ayaa la sheegay inuu la midyahay midka lagu sugayo ammaanka ee horay u sameeyay baabuurta xumuulka qaada ee isaga kala gooshta Puntland iyo Koonfurta Somalia.

Qaraxii Galkacyo kadib ayay ahayd markii amar uu soo saaray madaxweyne-kuxigeenka Puntland lagu mamnuucay in gudaha Puntland soo galaan islamarkaana ka baxaan baabuur aan la hubin waxa uu sido iyadoo taasi cabasho ka keeneen ganacsatada iyo maamulka Galmudug.

yaab

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
caasimada@live.com