Mid kamid ah Xildhibaanada ugu firfircoon BFS oo geeriyootay

Muqdisho (Caasimada Online)-War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in goordhow ay geeriyootay mid kamid ah Xildhibaanadii ka tirsanaa Baarlamanaka Somalia kuwooda ugu firfircoon.

Xildhibaanada geeriyootay ayaa waxaa lagu magacaabaa Faaduma Axmed Nuur oo ka tirsaneyd Baarlamaanka Somalia, waxa ayna ku geeriyootay dalka India oo dhawaan ay u aaday arrimo caafimaad.

Guddoomiyaha Baarlamanaka Somalia Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa isna xaqiijiyay geerida Xildhibaanada.

Jawaari ayaa sheegay in Xildhibaan Faaduma Axmed Nuur, ay kamid aheyd Xildhibaanada ugu firfircoon Baarlamanaka Somalia, hayeeshee ay u geeriyootay xanuun hayay.

Sidoo kale, Gudoomiye ku-xigeenka Guddiga Haweenka ee Baarlamaanka Somalia Qaali Axmed Diiriye, ayaa sheegtay in marxuumadda ay ka mid ahayd haweenka ku jira Baarlamaanka, kuwooda ugu fir fircoon.

Meydka Marxuumad Faaduma Axmed Nuur, ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda loo soo qaado magaalada Muqdisho, si halkaani loogu sameeyo aas qaran.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com