Shir Madaxeedkii IGAD ee Muqdisho oo dib u dhac ku imaaday

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow soo gaaray shabakada Caasimada Online ayaa sheegaya in dib u dhac uu ku imaaday Shir Madaxeedkii IGAD ee la filayay in maalinta Sabtida ah uu ka furmo magaalada Muqdisho.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada ayaa sheegaya in shirkaasi uu dib u dhacay 13-ka Bishaani, iyadoo aan la ogeyn sababta ka danbeysay dib u dhaca shirka.

Shir Madaxeedkii IGAD, ayaa waxa uu go’aanka ahaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo 10-ka Bishaani aan ku jirno, hayeeshee warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dowlada Somalia ay marka hore wax ka bedeleyso amniga magaalada Muqdisho.

Shir Madaxeedka IGAD ayaa waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia uga qeybgali doona Madaxweyneyaasha Wadamada Jabuuti, Kenya, Sudan, Uganda, Koofurta Suudaan iyo Madaxweynaha Somalia oo dalkiisu Shirka Marti galinayo.

Sidoo kale Idaacada KNN ee magaalada Muqdisho ayaa iyana baahisay in shirkaasi uu dib u dhacay.

Dowlada Somalia weli kama aysan hadal dib u dhaca, waxaase soo baxaaya in shirkaasi uu dib uga dhacay wakhtigii lagu ballansanaa, sida ay Caasimada xogtu ku heshay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com