Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Muqdisho waxaa weli ka socda shirka Madasha Qaran ee Madaxda dowladda Federalka Somalia iyo hogaamiyeyaasha dowlad goboleedyada.

Shirkaani ayaa waxaa shir guddoominayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana la soo warinayaa inuu jiro qodobo gaar ah oo ay Madaxdu isku khilaafsan yihiin.

Qodobada weli la isku mari la’ayahay ayaa waxaa kamid ah arrinta la xiriirta dhismaha Aqalka Sare iyo saamiga gobollada oo qaarna ay saluugsan yihiin kuwo kalena lagu heysto in loo sad buriyay.

Maxamed Maxamuud Guure oo ah Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Maamulka Galmudug ayaa Idaacada VOA u sheegay in qodobada la isku haayo uu ka mid yahay Aqalka sare, kadib markii Maamul goboleedyo qaar loo kordhiyay tirada xubnaha Aqalka sare.

C/kariin Guuleed oo ah Madaxweynaha Galmudug ayaa la sheegay in gebi ahaanba uu diiday xubnaha loogu kordhiyay Puntlanda aqalka sare, isla markaana aanay xaq aheyn in Gobolka Banaadirna aan wax xubin ah la siin.

Sidoo kale, Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa isna soo jeediyay in gabi ahaanba la hakiyo arrinta Aqalka sare, waxa uuna sheegay in qodobka Aqalka Sare uu caqabad lama gudbaan ah ku noqday Hanaanka Madashu ay u dajineyso doorashooyinka.

Waxaa uu kulankan noqonayaa kii ugu dambeeyay ee Madasha Hoggaanka Qaran isugu yimaadaan, iyadoo shirkan kadib si toos ah loo dhaqaaqaayo hirgelinta hannaanka doorashada labada aqal iyo tan madaxtinimada.

Maalinta Beri ah ayaa lagu wadaa in qodobada leysku hayo xal laga gaaro, inkastoo Puntland iyo Galmudug ay shirka ka dhigeen goob leysugu faano cadadka Aqalka Sare ay ka heystaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com