25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Guddoomiye ku-xigeen la isugu daray jirdil iyo xabsi iyo Axmed Madoobe oo..

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo Degmada Howsingo ee Gobolka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in Ciidamada Raaskambooni ee MKG Jubbaland ay Jirdil iyo Xarigba isugu dareen Gudoomiye ku-xigeen Deegaanka Howsingo.

Gudoomiye ku-xigeenka dhanka Amaanka Degmada Howsingo C/risaaq Maxamed Dhaqane, ayaa sheegay in Ciidamada Axmed Madoobe ay Jirdil kula kaceen Gudoomiye Ku-xigeenka, waxa uuna sheegay in sababtu ay tahay mid salka ku heysa Salbalaarsi ay wadaan Ciidamada Axmed Madoobe oo u hubeysan qaab qabiil.

Dhaqane, ayaa sheegay in Ciidamadu ay Degmada usoo ka xeeyeen shaqsi warqado cadeyn ah laga soo siiyay Madaxtooyada Jubbaland, kaasi oo Xeelad Siyaasadeysan loogu dhiibi rabo Maamulka Degmada, balse ay ku gacanseyreen.

Waxa uu sheegay in Gudoomiye ku-xigeenka lagu garaacay Qoray baadkiisa, waxa uuna DF Somalia ugu baaqay inay wax muuqda ka qabato dhibaatooyinka kaga imaanaya dhanka Axmed Madoobe.

Sidoo kale, Nabdoon C/qaadir Faarax, ayaa cadeeyay in Jirdilka Gudoomiye xigeenka lagula xisaabtami doono Ciidamada Axmed Madoobe, waxa uuna dhankiisa ka sheegay in iminka uu xanuun la jiifo Gudoomiye ku-xigeenka, taasina ay sabab u tahay Jirdilka iyo xariga.

Dhanka kale, qaska iyo dhibaatada ka taagan Degmadaasi, ayaa waxaa hormuud u ah Taliyaha guud ee Ciidamada Maamulka KMG Jubba Maxamuud Qaalib oo isagu dadaal dheer ugu jira hanashada deegaano dhowr ah oo aan amarkiisa laga aqoonsaneyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News