Garowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garowe ee gobolka Nugaal ayaa sheegaya in maanta doorashada halkaasi ka dhacday ku guuleesteen xildhibaano cusub.
Gudoomiye ku xigeenka ururka haweenka Canab Xasan Cilmi ayaa kusoo baxday doorashada xildhibaanada aqalka hoose ee magaalada Garowe.
Canab oo kasoo jeeda beesha Dhulbahante, ayaa heshay 45 cod halka Ifraax Nuur oo la tartameysay heshay afar cod.
Sidoo kale xildhibaan Axmed Ismaaciil Shabeel oo helay 48 ayaa kusoo baxay kursiga beeshiisa oo maanta lagu doortay magaalada Garowe.
Maamulka Puntland ayaa doonaya in maanta uusoo idleeyo doorashada xildhibaanaa aqalka hoose ee ka imaanaya deegaanada maamulkaasi.
Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]