Guri ku yaal Muqdisho oo u dhow xarun muhiim ah oo hub badan laga soo saaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in ciidamada amaanka ee magaalada Muqdisho ay habeen hore hub farabadan ay ka soo bixiyeen Guri ku yaala degmada Xamar Jajab ee gobalka Banaadir, kaas oo ku yaala meel muhiim ah ciidamada dowladda Soomaaliya.

Gurigan ayaa ku yaalla ka soo horjeedka Xerada ciidamada Cirka ee Afisyooni waxaana Albaabka Xerada iyo guriga hubka laga soo saaray u dhaxeeya oo kaliya laamiga ay gaadiidka maraan.

Qolka hubka laga soo saaray oo ah albaab banaan ah ayaa u kireysnaa dhallinyaro kuwaas oo la sheegay in ay guriga ka maqnaayeen xiliga howgalka, waxa uuna hubka isugu jiraa qoryo fudud, bambooyin iyo qalab kale oo dagaal, sida ay sheegeen saraakiisha amaanka qaarkood.

Xerada afisyooni oo ah goob muhiim ah ayaa laheyn ilaalo habeenkii ah wixii ka dambeeyo 9-ka habeenimo, waxaana la xiraa albaabka xerada wixii xiligaas ka dambeeyo, saraakiil la hadlay Caasimada Online.

Ma jirto ilaa hadda cid faah faahisay arrintaan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, hase yeeshee waxaa habeenadii la soo dhaafay ka socday Muqdisho howgalo baaritaano ah oo ay sameeyaan ciidamada booliska Soomaaliya iyo kuwa kale oo ka tirsan hay’adaha amaanka.