Guriceel: Kooxo hubeysan oo weeraray sarkaal la shaqeeya hay’adaha

Guriceel (Caasimada Online) Sida ay Shabakada Caasimada Online u  sheegeen wariyaal ku sugan magaalada Guriceel ee gobalka Galgaduud,  waxa maanta halkaas lagu dhaawacay nin la shaqeenaayay hey’addaha  gargaarka, kaasoo lagu magacaabo Saleebaan Maxamed Saalax.

Nin la weerraray ayaa la socday gaari ay lahaayeen hey’addaha  gargaarka , gaar ahaan kuwa caafimaadka iyo xaananada xoolaha, waxana  la sheegay in uu ka badbaday weerrarkaas.

Illaa hadda ma cadda sababta loo weerraray sarkaal kan ka tirsan  hey’addaha gargaarka ee ka shaqeeya Gobalka Galgaduud.

Maamulka Ahlu Sunna oo ka arrimiya Guriceel ayaa saxaafadda u sheegay  in weerrarkaas loo qabtay nin la sheegay in uu ahaa ninka rasaasta ku  furay gaariga.

Ma ahan markii ugu horreysay oo magaalada Guriceel lagu weerraro  shaqaalaha hey’addaha gargaarka, Soomaaliya wax caadi ka ah in la  weerraro shaqaalaha samafalka, mararka qaar waaba la dilaa, cidna  looma soo qabto.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho