Guterres oo shaaciyey arrin ay sameyneyso QM kadib qaraxyadii BELEDWEYNE

New York (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa war ka soo saaray qaraxyadii Isniintii ka dhacay bartamaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiran.

Guterres ayaa marka hore si kulul u cambaareeyey weeraradaan oo ahaa kuwa ismiidaamin ah, isla-markaana lala beegsaday xerada Lama-galaay oo ay ku taallo xarrunta madaxtooyada HirShabelle.

Sida uu sheeyey Stethane Dujarric  oo ah Afhayeenka Xoghayaha Guud ee QM, Guterres tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay qaraxyadaasiyo sidoo kale dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Xoghayaha Qaramada Midoobay auaa sidoo kale sheegay tallaabo ay qaadayaan, kadib qaraxyadaasi, isaga oo sheegay in inay ka go’an tahay inay la shaqeeyaan hay’adaha gobolka iyo kuwa kale ee caalamiga ah si ay u taageeraan dadka iyo dowladda Soomaaliya ee uu jiheystay dhismaha dal nabad ah.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda saddexdii qarax ee dhowaan ka dhacay magaalada Beledweyne, kuwaas oo ay ku dhinteen in ka badan 20 qof oo ay ku jiraan mas’yuuliyiin ka tirsaneyd HirShabelle.

Weeraradaan ayaa daba socday howlgallada Hiiraan, kuwaas oo lagu beegsanayo Al-Shabaab, kadib markii uu kacdoon shacab ka billowday gobolkaas, kaas oo Al-Shabaab lagu gaarsiiyey khasaare xoogleh.