Guudlaawe oo ballan-qaad culus ka sameeyay B/Weyne

Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweynaha HirShabelle Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa maanta markii ugu horeysay ka degay magaalada Beledweyne, tan iyo markii loo doortay hoggaanka sare ee maamulkaasi.

Cali Guudlaawe oo ka hadlay munaasabad lagu soo dhaweeyay ayaa ballan-qaaday in uu xalin doono tabashada ka taagan gobolka, islamarkaana uu u cadaalad fali doono reer HirShabelle.

“Alle ayaa mahadaas iska leh, maanta haddii aan magaalada Beledweyne aan ku wada suganahay, waxaa uga mahad-celinayaa halkaan cidkasta oo gacan ka geysata inay sidan wanaaga ah u dhacdo oo anaga oo nabad ah oo wax dhibaato ah dhicin isku imaano,” ayuu yiri ugu horeyntii, isaga oo si gaar ah ugu mahad-celiyay duubaabka dhaqanka, ciidanka amniga iyo madaxda Hirshabelle.

Guudlaawe ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in tabasho kasta oo jirta iyo cid kasta oo wax tabanaysa uu la fariisan doono oo uu ka garaabi doono, xili ay muddo xiisad siyaasadeed ka taagneyd Beledweyne.

“Aan is hor fariisano waa daawoobeyna, waxaa rabaa in aan hortiina ka cadeeyo in cid kasta oo wax tabanaysa hadey tahay mid deegaan iyo mid qabiil ay tahay waa ka garnaqi doona, aan warano oo dadkaan dowladnimo iyo wada dhalasho ayaa ka dhaxeysa.”

Waxa uu intaas kusii daray in doorashada ka dhaceysa Beledweyne oo kamid ah deegaan doorashada labaad ee maamulkaas ay noqon doonto mid daah-furan oo cadaalada ah, islamarkaana laga wada qeyb qaato sugida amniga magaalada.

“Masuuliyadda waa meerto qofba mar ayuu qaban, waxaana muhiim ah in qofka markaasi haya uu dadka isku haayo islamarkaana fursad la siiyo.”

Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay inay midooban reer HirShabelle, oo waxa dhexdooda ah lagu xaliyo is-faham iyo wada-hadal, ayada oo dhinac loo wada jeesanayo, lagana shaqeeyo horumarka maamulka.

Ammaanka Beledweyne ayaa aad loo adkeeyey, waxaana inta badan la xiray wadooyinka magaalada, si looga hortego rabshado ka dhaca magaaladaas oo qaybo ka mid ah ay ku sugan yihiin ciidamo gadoodsan oo la magac baxay Kacdoonka gobolka Hiiraan.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa kulamo wada-tashiya ah ka bilaabi doono Beledweyne, kuwaas oo xal loogu raadinayo tabashada reer Hiiraan, ayada oo weli Jeneraal Xuud oo ku sugan Muqdisho iyo sarkaal kale oo lagu magacaabo Nuur Dheere ay ka soo horjeesteen imaanshihiisa.