Ankara (Caasimada Online) – Xisbiga Shaqaalaha Kurdistan (PKK) ayaa Isniinta maant ah ku dhawaaqay inuu is-burburiyey, isagoo sheegay inuu soo afjaray halgankii hubeysnaa ee uu kula jiray dowladda Turkiga, taasoo dhammaatay kadib afartan sano oo kacdoon dhiig badan ku daatay.
Ururka PKK, oo uu aasaasay Abdullah Ocalan dabayaaqadii 1970-meeyadii, ayaa qaatay hub sannadkii 1984, halkaas oo uu ka bilaabay weerarro ka dhan ah dowladda Turkiga kuwaas oo sababay in ka badan 40,000 oo dhimasho ah.
“Shirkii 12-aad ee PKK wuxuu go’aamiyey in la burburiyo qaab-dhismeedka ururka lana joojiyo halgankii hubeysnaa,” ayaa lagu sheegay bayaan ay baahisay wakaaladda wararka ee u ololeysa Kurdish-ka, ANF.
Tallaabadan ayaa si diirran waxaa u soo dhoweeyey xisbiga AKP ee Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, oo ku tilmaamay “tallaabo muhiim ah,” balse xusay in habraaca loo “kormeerayo si dhow” oo joogto ah.
Go’aanka taariikhiga ah ayaa yimid kadib baaq uu Ocalan bishii 27-ka Febraayo ka diray xabsiga Imrali ee magaalada Istanbul, halkaas oo uu ku xiran yahay tan iyo 1999, kuna booriyey dagaalyahanadiisa inay hubka dhigaan oo ay ururka kala diraan.
Ocalan waxa uu sidoo kale ku booriyey PKK inay qabato shir si rasmi ah loogu ansixiyo go’aanka, kaasoo toddobaadkii hore ka dhacay buuraleyda Kandil ee Ciraaq, halkaas oo lagu dhawaaqay xabbad-joojin.
Hoggaamiyaha PKK ayaa halkaas ku gaadhay “go’aanno taariikhi ah oo quseeya hawlaha ururka,” sida ay warisay ANF Jimcihii.
“Arrintani ma ahan dhammaad, balse waa bilow cusub,” ayuu yiri Duran Kalkan, oo ka tirsan guddiga fulinta ee PKK, isagoo la hadlayay ergadii shirka, sida uu baahiyey wakaaladda Mezopotamya ee u ololeysa Kurdish-ka.
Afhayeenka AKP, Omer Celik, ayaa sheegay in haddii go’aanka “si dhab ah loo hirgeliyo oo dhammaan dhinacyadiisa la dhaqan-geliyo,” ay furi doonto waqti cusub oo hor leh.
– ‘Guul weyn oo u soo hoyatay Erdogan’ –
“Go’aanka PKK ee ah inay is-burburiso oo ay hubka dhigto kadib baaqii Imrali waa tallaabo weyn oo loo qaaday Turkiga aan argagixiso lahayn,” ayuu yiri Celik.
“Fulinta buuxda ee go’aanka is-burburinta iyo hub dhigista… waxay noqon doontaa isbeddel taariikhi ah,” ayuu raaciyey, isagoo markale carabka ku adkeeyey in dowladda si dhow ula socon doonto habka loo fuliyo.
Bayaankan ayaa soo afjaray dadaallo socday toddoba bilood oo lagu doonayey in dib loo furo wadahadalladii hakadku ku yimid, kuwaas oo dib u billowday bishii Oktoobar markii Ankara ay si lama filaan ah u fidisay laan nabadeed oo loo diray Ocalan.
“Haddii PKK si rasmi ah ugu dhawaaqdo is-burburin oo si nabad ah u dhammeystirto geeddi-socodka, iyada oo aysan dhicin wax carqalad ah, taasi waxay noqon doontaa guul weyn oo u soo hoyata Erdogan,” ayay tiri Gonul Tol oo ka tirsan Machadka Bariga Dhexe ee Washington, una warrantay AFP.
Waxay sheegtay in isku dayga dib-u-heshiisiinta Kurdiyiinta uu si dhow ula xirnaa xaaladda siyaasadeed ee gudaha, xilli dhowr bilood ka hor AKP ay guuldarro kala kulantay doorashooyinka.
Falanqeeyayaal ayaa qaba in heshiis lala gaaro Kurdiyiinta uu Erdogan u suuragelin karo inuu wax ka beddelo dastuurka, muddo dheerna xafiiska sii joogo, halkaas oo uu sidoo kale kala jabin karo iskaashiga ka dhaxeeya xisbiyada mucaaradka ee taageera Kurdish-ka iyo inta kale.
“Ujeeddada dhabta ah ee ka dambeysa furitaanka Ocalan mar walba waxay ahayd in la xoojiyo awoodda Erdogan. Haddii geeddi-socodkani guuleysto, wuxuu u galayaa doorashada 2028 isagoo ah musharrax aad u xooggan oo mucaaradkuna yahay mid kala daadsan,” ayay tiri Tol.
Madaxweyne Erdogan oo khudbad jeediyay dhammaadkii usbuuca ayaa si dadban u muujiyay in is-burburinta PKK la shaacin doono, isagoo sheegay, “Waxaan si ad-adag ugu sii soconaa waddada ah in aan gaarno Turkiga ka madax-bannaan argagixisada.”
PKK, oo ay Ankara, Washington iyo Brussels u aqoonsan yihiin urur argagixiso, ayaa dagaal hubeysan kula jiray dowladda Turkiga tan iyo 1984.
Ujeeddadii asalka ahayd ee PKK waxay ahayd in la dhiso dal madax-bannaan oo ay ku midoobaan Kurdiyiinta, kuwaas oo ka dhigan ku dhowaad 20% shacabka Turkiga ee gaaraya 85 milyan.