Guuleed: Dhag-dheer dhimataa ayaan la dheelaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xusein Gulleed oo ka hadlaayay heshiiskii ay wada gaaren Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas ayaa sheegay in heshiiskaasi uu soo afjaraayo colaadii laba asbuuc jirsatay ee ka dhacday Gaalkacyo.

Madaxweyne C/kariin Gulleed ayaa sheegay in dagaalka Gaalkacyo uu sababay xiriir dhow oo dhexmara Galmudug iyo Puntland, waxa uuna carabka ku dhuftay in heshiiska dhacay wanaagiisa laga wada dareemi doono deegaanada ay ka arrimiyaan labada maamul.

Isaga oo si gaar ah ula hadlaayay saxaafada ayaa waxa uu yiri Gulleed ”Dagaalka Gaalkacyo waxa uu isku rogayaa nabad waxaan hirgalineynaa aniga iyo C/wali Gaas oraahdii aheyd dhag-dheer dhimatay oo aan ula jeedo colaadii wey dhamaatay”

Gulleed waxa uu sidoo kale sheegay in Galmudug ay daacad u tahay heshiiska la wadagalay, waxa uuna cadeeyay in Galmudug ay diyaar u tahay inay ku dhexmilanto Puntland si Umadda Soomaaliyeed ay u tusaan in laga gudbay colaadii uu dhiigabadan ku daatay.

Waxa uu sheegay in Heshiiska uu dhali karo in mas’uuliyiinta labada maamul ay u kala gooshikaraan labada dhan, waxa uuna C/wali Gaas ugu baaqay in dhankiisa uu meesha ka saaro mugdiga sababi kara in Colaada ay dib usoo laabato.

Geesta kale, Gulleed ayaa DFS ugu baaqay inay sii xoojiso ka dhex shaqeynta Galmudug iyo Puntland si uu yiri loo ciribtiro waxa uu ugu yeeray shakiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com