Dhaawacyada askarta P/land oo la keenay Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalkii ugu dambeeyay ee u dhaxeeyay ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa sababay dhaawacyo badan oo soo gaaray ciidamada labada dhinac.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in ciidamo ka tirsan labada maamul oo ku dhaawacmay dagaalkii Gaalkacyo lagu daweynayo isbitaalka Deva ee magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in sidoo kale la keeno isbitaalka dhaawacyada askar kale.

Hishiiskii dhawaan magaalada Gaalkacyo ku dhexmaray madaxda maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa dhigayay in ciidamada qaba dhaawacyada daran loosoo qaado magaalada Muqdisho laguna daweeyo haddii Gaalkacyo wax looga qaban waayo.

Ku dhawaad 60 askari oo labada dhinac ah ayaa la sheegay in lagu hishiiyay in dhaawacyadooda lagu dabiibo isbitaalka Deva ee magaalada Muqdisho oo dalka Turkiga laga leeyahay.

Ilo Xog ogaal ah ayaa sheegay iney jiraan askarta qaar oo qaba dhaawacyo daran kuna dhaawacmay dagaalkii ugu dambeeyay ee 28 November ka dhacay xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo.

Qaarkood askarta ayaa la sheegayaa iney ka jajabeen lafaha, waxaana adkaatay in wax looga qabto isbitaalada magaalada Gaalkacyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com