Guuleed iyo SHARIIF Xasan oo isku mowqif ah + Axmed Madobe & Gaas oo diiday in Muqdisho…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa wada dadaal ay doonayaan in lagu furo shirka wada-tashiga dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulada dalka ka jira ee looga hadlayo hiigsiga 2016 iyo qorshaha hirgelintiisa.

Shirkan oo qabanqaabadiisa uu lee yahay xafiiska UNPOS ayaa marar hore dib u dhac ku yimid sababo la xiriira khilaafaad soo dhex galay dowladda Federaalka iyo maamulada qaarkood.

Ergeyga Q/Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay ayaa casuumaad u kala diray madaxda maamul goboleedyada si ay magaalada Muqdisho u yimaadaan shirkaasi, waxayna wararku sheegayaan in ilaa hadda ay qaadacday Puntland oo ku doodeysa in iyadoo aan la xalin khilaafka kala dhaxeeya dowlada Federaalka aanay shirkaasi ka qeyb galeynin.

Dhinaca kale hogaamiyaha Juba oo lagu waday inuu shirkan kasoo qeyb galo ayaa u muuqda inuu ka biyo diidan yahay imaanshaha Muqdisho inta xal looga helayo khilaafka maamulkiisa kala dhaxeeya dowladda Federaalka. Wadahadalkii Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe ku dhex maray Kismaayo ayaan go’aan ogolaasho rasmi ah laga helin Axmed Madoobe.

Shariif Xasan Sheekh Aadan madaxweynaha Maamulada Koonfur Galbeed iyo madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ilaa hadda diyaar u ah oo la  xaqiijiyay inay ka qeyb galayaan shirka oo qorsheysan inuu Talaadada 29-ka bishan ka furmo Muqdisho, iyadoo aan la ogeyn in shirkaasi sidaas ku qabsoomi doono iyo inkale.

Madaxweynaha Galmudug ayaa shalay yimid Muqdisho isagoo sheegay in socdaalkiisu ku saabsan yahay arrimo kala duwan oo uu ka mid yahay ka qeybgalka shirka wada-tashiga ee madaxda dowladda Federaalka iyo maamulada dalka ka jira ku yeelan doonaan Muqdisho.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid aya shir jaraa’id oo uu galabta ku qabtay Muqdisho ku shaaciyay in shirka Hiigsiga cusub uu Muqdisho ka dhici doono, wuxuuna ku adkeystay in shirku dhacayo. Shirkan waxaa ka soo qeyb galaya 40 dowladood oo Soomaaliya taageera, wuxuuna muhiim u yahay hiigsiga cusub ee 2016.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com