Xog: Jen. Fartaag oo laga joojiyay abaabulkii uu maamulka Jubbaland uga waday Baardheere !!!

Baardheere (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka maamulka Juba Jen. C/llaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa ku guuldarreystay qorshe uu doonayay  in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka qeyb qaatay dib u qabsashadii magaalada Baardheere loogu yeero ciidamada Maamulka Jubaland, kadib markii saraakiil iyo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda uu ku qanciyay arrintaasi oo ay si weyn uga hor yimaadeen madaxda gobolka Gedo ee taabacsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kadib qabsashadii Baardheere waxaa kala qeybsamay ciidamadii dowladda federaalka oo qaarkood ay sheegeen inay yihiin ciidamo hoos taga Jubba. Guddoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil ayaa sheegay in arrintan heshiis laga gaaray kadib markii ay qas ka dhex abuurtay ciidamadii wada socday ee mudadda dheer ahaa ciidamada dowladda federaalka.

Guddoomiyaha Gedo wuxuu caddeeyay in wadahadal dhex maray dhinacyada Gedo ku wada sugan oo uu ka mid yahay Jen. C/laahi Fartaag ay isla garteen in lagu shaqeeyo magaca ciidamada dowlada federaalka oo la joojiyo arinta Juba, isla markaana marka hore xal loo helo khilaafka ka dhex taagan maamulka Juba iyo maamulka ka jiro Gobolka Gedo oo waanwaan bilow ah la filayo inay u furanto dhowaan sida lagu soo heshiiyay dalka Itoobiya markii ay isugu tageen labada dhinac.

Wadahadalka waxaa ka qeyb galay Gen. Fartaag oo maamulka Juba ka socday iyo xubnaha dowladda federaalka metelayay oo ay ka mid yihiin Maxamed Cabdi Kaliil, Maxamud Sayid Aadan iyo Cabdi Barre Cabdi, iyadoo lagu heshiiyay in arrinta Jubba dhinac la iska dhigo.

Jen. Fartaag oo u yimid Gobolka Gedo inuu qeyb ka noqdo howlgalka Gedo ka socda ayaa hadda ogolaaday inuu marka hore la heshiiyo maamulka iyo siyaasiyiinta gobolka uu ka soo jeedo ee Gedo ku sugan inta aanu maamulka Juba isku soo dhex  tuurin arrinta Baardheere.

Isha goobjooge