GUULEED oo caddeeyey mowqifkiisa ku aadan madasha looga dhowaaqay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore Galmudug iyo wasiirki hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa soo dhoweeyey madal siyaasadeedka cusub ee maanta looga dhowaaqay magaalada Muqdisho.

Madasha Xisbiyada Qaran (Forum for National Parties) oo maanta dhidibada loo taagey, ayaa waxaa ku jira xisbiyo ay ka mid yihiin UPD, Himilo Qaran, Wadajir, Ileys iyo kuwa kale.
Guuleed ayaa qoraal uu bartiisa facebook soo dhigay ku yiri “Waxaan soo dhaweynaa dhaq-dhaqaaq waliba oo dhiira-galinaya nabadda iyo dimuqaraadiyadda curdanka ah ee Soomaaliya ka hana qaaday  ayadoo ay jirto shaki weyn oo laga qabo qabasoomidda doorasho leh hufnaan iyo hanaan wadar-ogol ku salaysan oo dhacda sanadka 2021da.”

Waxa uu intaas ku daray “Si gaar ah waxaan u soo dhaweynaa Madasha Xisbiyada ee maanta looga dhawaaqay Muqdisho, waxaana la qabaa walwalka ay ka muujinayaan kartida iyo bisaylka madaxda dowladda ay u leedahay gardaadinta iyo qabashada doorasho hufan oo caafimaad qabta.”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com