Somaliland oo wafdi u direysa caleemo saarka Axmed Madoobe

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ayaa wafdi u direysa magaalada Kismaayo ee maamulka Jubbaland si ay uga qeyb galaan caleema saarka Madaxweyne Axmed Madoobe, sida uu shaaciyay Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inay xukuumada Muuse Biixi u diyaarisay Wafdi ka kooban lix xubnood, si ay uga qeyb galaan caleema saarka Axmed Madoobe.

Faysal Cali ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inay garab taaganyihiin maamulka Axmed Madoobe, isla markaana ay hambalyeenayaan waxkasta oo ay qabsadaan.

Faysal Cali Waraabe ayaa waxa kale oo uu ka dhawaajiyey inay caleema saarkaasi u tagayaan sidii ay u socod-siin lahaayen qadiyada Somaliland ee gooni isu-taagooda, isagoona xusay in wafdigoodu ay diyaar ahaayeen mar hore, balse ay saameysay hakintii duulimaadyada Kismaayo ee DF Soomaaliya.

“Waanu diyaar gareynay ilaa lix reer Somaliland ah ayey tikidhadooda diyaar yihiin, oo rabay inay baxaan 25-kii bishan, balse dib u dhacay, waana la tagaya” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Wuxuuna intaas kusii daray “Soomaaliya waa qabaa’il waana 4.5, waa in aynu ka sameysano meelo yar oo qadiyadeena, waanuna ka hadleyna oo saaxiibo ayaanu ka sameysaneynaa, anaguna waxaan u tageyna qadiyadayada”.

Somaliland ayaa u aragta fursad wanaagsan oo danaheeda kaga faa’iideysan karto khilaafka xoogan ee ka dhex aloosan dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ee ka dhashay dib u doorashada Axmed Madoobe.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com