25.6 C
Mogadishu
Friday, December 5, 2025

Xiisadda Galmudug: Guuleed oo quus taagan iyo arrinta oo qabiil isku rogtay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa mar kale ku guuldareystay la kulanka Xildhibaanada Galmudug, kuwaa oo dhawaan sheegay in xilka ay ka qaaden.

Guuleed oo ay xaaladu ku xuntahay ayaa ku dhiiraday in Odayaasha Beelaha uu usoo bandhigo Dacwadaha uu ka qabo xil ka qaadistiisa.

Guuleed, oo la kulmay Odayaasha ayaa waxa uu ku wargaliyay in tallaabo uu ka qaadi doono Xildhibaanada ka hor imaaday, waxa uuna farta ku goday in marnaba uusan u dulqadan doonin in meesha laga saaro Maamulkiisa.

Guuleed, waxa uu Odayaasha Beelaha u sheegay inay la hadlaan Xildhibaanadooda, waxa uuna ballanqaaday in wakhti danbe uusan qaadan doonin wadahadal ku aadan arrinkaasi.

”Odayaashu waa in Xildhibaanadooda ay kala hadlaan dhibta ay deegaanka ka dhex wadaan, waxaan halkaani ka sheegayaa in arrinkaani aan fadhi kale looga wadahadli doonin”

Qoraal dhawaan kasoo baxay Xafiiska Hogaamiyaha Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in Guuleed uu yahay Hogaamiyaha Maamulka, isla markaana uusan booska uga bixi doonin go’aan ay gaaren tirro Xildhibaano ah.

Dhinaca kale, Beesha Caalamka ayaa walaac ka muujisay xiisada ka dhex aloosan C/kariin Guuleed iyo Xildhibaanada BG.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News