Trump oo saxiixay amar Soomaalida looga mamnuucay Mareykanka illaa…

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si rasmi ah u saxiixay amar dadka Soomaalida ah ka mamnuucaya inay soo galaan dalka Mareykanka, isaga oo sheegay inay qeyb ka tahay qorshe lagula dagaalamayo argagixisada.

Amarka Trump oo uu xalay ku saxiixay xarunta wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa waxaa hakad lagu geliyey qaxootiga ka imanaya dalalka Soomaaliya, Iraq, Libya, Iran, Sudan, Syria iyo Yemen.

Waxyaabaha ku xusan amarka Trump ayaa waxaa ka mid ah.

  • In muddoo 120 maalmood ah la hakiyey barnaamijkii dadka qaxootiga lagu keenayey Mareykanka, guud ahaan.
  • In si buuxda loo joojiyey qaxootiga ka imanaya dalka Syria illaa is-beddel lagu sameynayo barnaamijkii dadkaas ku iman jireen..
  • In muddoo 90 cisho ah dalka Syria looga sameeyo aag loogu magac dara “aaga badbaadada”
  • In 90 maalmood la hakiyey in ay dalka Mareykanka soo galaan dadka ka imanaya dalalka Iran, Iraq, Libya, Somalia, Sudan, Syria iyo Yemen.

Go’aanka Trump ayaa waxaa si aad u cambaareeyey siyaasiyiinta Mareykanka qaarkood, gaar ahaan kuwa dimoqraadiga oo ku macneeyey mid lagu beegsanayo dadka muslimiinta ah.

Donald Trump ayaa intii uu ku guda jiray ololaha doorashada wuxuu ballan-qaaday in haddii uu madaxweyne noqdo uu dalka Mareykanka ka mamnuuci doono inay yimaadaan dadka muslimiinta ah.

Wuxuu sidoo kale marar badan weerar ku qaaday dadka Soomaalida ah, gaar ahaan kuwa Minnesota oo uu sheegay inay musiibo ku noqdeen horumarkii iyo amnigii gobolkaas.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
caasimada@live.com