Guusha DF Somalia oo ku xiran sadex arrin oo dhaqan galintoodu ay adag tahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Inta badan dadka ehelka u ah Siyaasada ayaa dhaliilo kala duwan u jeediya dowlada Somalia oo iyadu la sheegay inay aad uga gaabisay dhaqan galinta Siyaasada lagu shaqeyn doono 4ta sano ee aan ku guda jirno.

Dhinacyadan u dhuun daloola Siyaasada haba ugu badnaaden siyaasiyiinta mucaaradka waxa ay dowlada Somalia aad ugu dhaliilan inay hormuud u noqotay la xisaabtan la’aanta qeybaha ku magacaaban amniga iyo arrimaha Dibadda.

Dhaliilaha ugu badan ee loo jeedinaayo dowlada ayaa salka ku heysa hanaanka ay shaqooyinka u maareeyan Wasaaradaha qaar oo aan ka dhabeyn howlaha loo jideeyay.

Dowlada Somalia oo aan weli yeelan awoodihii laga filaayay ayaa waxaa la sheegay in dib u dhaca heysta ay sabab u tahay 3 qodob oo ay kamid yihiin;

1-Hoos u dhac ku imaaday xiriirka arrimaha dibadda Somalia oo markii hore aad uga wanaagsanaa halka uu maanta taagan yahay.

1 – Siyaasada arrimaha gudaha oo aad u liidata sababo la xiriira awooda wasaarada ku shaqada leh oo aan gaarin heer wanaagsan, iyo maamul goboleedyada oo carqalad ku ah dowladda dhexe.

2 – Dowladda Somalia oo aan mas’uuliyad muuqata iska saarin la xisaabtanka mas’uuliyiinta ugu sareysa Hay’adaha amniga, ayada qaraxba qarax uu ka dambeeyo, haddamna cidna aanay cawaaqibkeeda qaadan.

3 – Amniga dalka oo lagu haleeyay Hay’addo reer galbeed ah iyo Ciidamo shisheeye taa oo naxuusineysa awooda dowlada. Ciidamada ugu awoodda badan ee dowladdu isku haleyso waa Amisom, halka sirdoonka reer galbeedkuna yihiin kuwi ay dowladda ka sugto akhbaaraadka.

Dowlada Somalia ayaa ku doodeysa inaysan heysan dhaqaale ku filan iyo dowlado rasmi oo si shuruud la’aan ah uga caawiya howlaha horyaal.

Sidoo kale, guulaha ay tiigsaneyso dowlada Somalia ayaa waxaa dhexda u fadhiya dowlado shisheeye oo cuuryaaminaaya Siyaasada dibadda iyo Amniga kuwaa oo kaashanaaya shaqsiyaad Soomaali ah oo aad uga soo horjeeda Siyaasada ay xiligaan ku dhaqmeyso dowlada hadda jirta.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Somalia ayaa looga fadhiyaa inay xooga saarto isla markaana dib usoo nooleyso xirriirka dibadda, Amniga iyo Arrimaha Gudaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com