Muqdisho (Caasimada Online) – Nabadoon Maxamed Cumar oo kamid ah Odayaasha Beelaha Haweye ayaa arrin lagu farxo ku tilmaamay guusha Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia ee xubinimada Aqalka Hoose.
Nabadoonka waxa uu sheegay in Guusha Jawaari ay ka dhigan tahay Guusha Hawiye, waxa uuna tilmaamay in Jawaari uu jabinaayo hamiga Shariif Xassan, oo isaga doonaaya inuu noqdo Madaxweynaha Somalia.
Nabadoonka waxa uu carab dhabay in Shariif Xassan uusan heli doonin kursiga uu baadi-goobka ugu jiro, marba haddii uu Jawaari kamid noqday Aqalka Hoose, waxa uuna intaa raaciyay in Jawaari uu u taagan yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Nabadoonka ayaa sidoo kale, sheegay in Haddii ay dhacdo in Jawaari uu ku guuleysto Guddomiyaha cusub ee BFS, Shariif Xassan uusan noqon doonin Madaxweynaha Somalia, isla markaana ay dantu ku qasbeyso inuu la laabto hamigiisa.
Isagoo arrintaani cusub ka hadlaayay ayuu yiri ”Guusha Jawaari waxa ay ka dhigan tahay guul usoo hoyatay Hawiye, waayo Jawaari waxa uu kala dhantaalay hamigii Shariif Xassan”
”Kursiga ugu sareeya qaranka cabsi kama qabo inaga ayuu nagu danbeyn doonaa”
Nabadoon Maxamed Cumar, waxa uu shaki galiyay in Madaxweynaha dalka uu noqdo Mas’uul ka baxsan Hawiye, waxa uuna ku faanay in qorshihii la dajiyay uu hirgalay.
Haddalka Nabadoonka ayaa imaanaya iyadoo Madaxweyne Xassan uu walaac gaara ka qabo in Shariif Xassan uu kala baxo booska.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

