Muqdisho (Caasimada Online) – Hantidhowraha guud ee qaranka Mudane Axmed Ciise Guutaale ayaa si weyn loogu weeraray hadalkii uu maanta sheegay, kaasi oo uu shaaca uga qaaday in Puntland ay iibisay laba xero oo ay ciidamada Xoogga dalka ku lahaayeen gobolka Mudug.
Lacagta xeryahaas ay siisay Puntland ayuu sheegay inay dhameyd 20 Miluan, taasi oo lagu daray dhismaha dekedda Garacad, islamarkaana ay dekeddaasi aysan ahayn mid u gaar ah Puntland oo ay ka dhaxayso dadka Soomaaliyeed.
“Dekedda Garacad asalka maal-gelinteeda waxaa qayb ka ah dakhli kasoo baxay xeryo kamid ah kuwii ciidanka Xoogga dalka ee gobolka Mudug, sida xeryah kabidda iyo siinaay oo dowlad goboleedka Soomaaliyeed Puntland ku iibisay lacag ku dhow 20 Milyan, kadibna ku dartay maal-gelinta mashruuca dhismaha dekedda Garacad,” ayuu yiri Hanti-dhowruhu.
Axmed Ciise Guutaale ayaa xusay in hantidaas ay tahay hanti guud oo ay ka dhaxeysa dadka Soomaaliyeed, maadaama ay xeryahaas ay kamid yihiin hantida dowladdii dhexe.
“Dakhligaas waa dakhli guud oo ay wada leeyihiin dadka Soomaaliyeed, maadaama ay xeryahaasi ka mid yihiin hantidii dowladdii dhexe, kahor qaadashada federaalka, sidaas oo kalena ay yihiin xeryihii ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed” ayuu mar kale sii raaciyay hadalkiisa.
Hadda, sidee looga fal-celiyay hadalka Guutaale?
Axmed Dulmidiid: “Hanti-dhowrku maxaa ka qaldan mise waa ila meerayso.”
Cabdalle Ducaysane ayuu yiri: “Isku soo wada duubo ujeedada guud waa dekedda Garacad. Waxba yaan darbiyada madaxa lagu xoqin!!.”
“Meelkasta kamuqo waa lagu mudan Bella maxa ka jira Butland xamara kabadane,” ayuu yiri Farxaan Cumar.
Maxamed Ibraahim: “Dowladu miyay huruday marka xeradoodii laga gadanayo.”
Saciid Cabdi ayaa sidoo kale yiri “Dowaladda maxay dadka tartaa? Markay xoolo aragto miyay xasuusataa dowladnimada. 30 sano jiraa weli dowlad wax ima tarin hal qalin Allaha ka dhigo xaqaas mee horta?.”
Khalif Shirwac: “‘Kuweyga anigaa leh kuwaagana waan kula leeyahay’ oo cad weeye ninkaan warkiisu.”
“Wallaahi waa raftay sidaa uqoslayay war maxaa tirina aniga iyo wiilka Hawiye ee Masaajid Cali Gaduud jooga dekedda Garacad waa idinka dhaxaysaa,” ayuu yiri Abdirashiid.
Khaalid Xaaji Cabdi: “Xamar unugaa leh laakiin Garacad waa isla leeyahay, waxaas wax idin soconaayo maahan Intii AUE Ma idinka dhmaatay.”
“Horta canshuurta bawada keen iyo visaha Soomaaliya iyo canshuurta badda,” ayuu yiri Saciid Aadan Ducaale.
Sidoo kale waxa uu yiri “Marwalba dowlada dhexe iyada masuul ka ah dalka maxaaba ku xiijiyay walaalow.”
Fahma Luul: “Cid walba oo hantida dowlad heysata waa in laga soo celiyo gobolkii ay joogaanba.”