Hadal uu CC Shakuur sheegay 21-kii June 2019, oo si rasmi usoo baxay maanta

Muqdisho (Caasimadda Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu 21 June ee sanadkaan 2019 talo fiican oo Maanta natiijadeeda loo jeedo siiyey Ururka Ahlu Sunna Wal-Jameeca oo hadda lagala wareegay inta badan deegaanadii ay kaga sugnaayeen Gobolada Dhexe.

Cabdiraxmaan ayaa waqtigaas oo ay Ahlu Sunna ballanta kaga baxday madaxweyne Xaaf kula taliyey inay aayahooda ka taliyaan in ay tabar hayaan oo aysan taladu seegin.

Wuxuu u sheegay in Nabad iyo Nolol aysan Nabad iyo Nolol midna ka dooneyn Galmudug oo aysan yeeli doonin in doorasho lagu qabto deegaan ay cid kale ka taliso oo aan iyaga hoos tegin.

Taladaas uu Siiyey Cabdiraxmaan ururka Ahlu Sunna ayaa Maanta waxay u muuqataa inaysan qaadan maadaama ay gacmahooda ka baxday talada oo si xoog ah lagala wareegay deegaanadii ay kaga sugnaayeen Galgaduud.

Taladaan ayaa waxaa si weyn looga hadal hayaa barashada Bulshada, waxayna dadka intooda badan ku tilmaameen Cabdiraxmaan inuu yahay siyaasi meel fog wax ka arko si fiicana u yaqaan dhaqamada Dowladda uu hoggaamiyaha u yahay Madaxweyne Farmaajo.

Halkaan hoose ka akhriso Talalada uu Cabdiraxmaan 32 June siiyey Ahlu Sunna

Heshiiska Jabuuti ay ku gaareen Galmudug iyo Ahlu Sunna in la meelmariyo qodobadiisana lagu adkaysto ayaa lagu balamaya. Madaxweyne Xaaf in badan ayey Villa Somalia isku dayday in ay heshiis gooni la gasho wax kastana way u gaareen, laakiin in uu heshiiska iyo wadajirka Galmudug dhowro ayuu wax kasta ka doorbiday. Villa Somalia waxay isku deyaysaa in ay Ahlu Sunna miiska u saarto wixii uu shalay Xaaf ka diiday, iyadoo ujeedku yahay in labada dhinac la kala dilo, sharciyadii iyo wadajirkii Galmudugna cirka lagu laalo, si in loo taliyo u fududaato.

Haddii madaxda Ahlu Sunna ay balantii kaga baxaan oo ay dhabarka ka wareemaan madaxweyne Xaaf, waxaan shaki ku jirin in ay mar aan dheerayn ka shalaayi doonaan. Waxaa Ahlu Sunna kula talinayaa in inta ay tabarta hayaan aysan taladu seegin, sababtoo ah qolada Nabad iyo Nolol la baxday Galmudug N&N toona ka dooni mayaan, mana yeeli doonaan in doorasho lagu qabto deegaan ay cid kale ka taliso oo aan iyaga hoos tegin.

Madaxweyne Xaaf waa nin labadii maamul ee Cadaado iyo Dhuusamareeb kala fadhiyey mideeyey, tanaasul kastana sameeyey, wax kastana u huray, sharaf iyo dadnimana ku difaacay, iskana diiday wax kasta oo heshiiskii Jabuuti iyo midnimada Galmudug wax u dhimaya. Reer Galmudug way tashan doonaan, wadooyin badana way u furan yihiin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com