Hadalki kasoo yeeray P/L oo cirka kusii shareeray colaadii kala dhexeysay S/L

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland, ayaa sheegaya in Maamulka Axmed Siilaanyo uu aad uga carooday hadalkii kasoo yeeray Maamulka Puntland.

Taliyaha Booliska, Militeriga iyo Saraakiisha Amaanka Somaliland ayaa sheegay in Maamulka Puntland ay ku qaldan tahay hadalkii ay ka baahisay warbaahinta ee ahaa in Somaliland ay ka dambeysay weerarkii lagu qaaday hooyga uu Magaalada Boosaaso ka dagan yahay taliye ku-xigeenka Booliiska Puntland Gen. Muxiyadin Axmed aw-muuse.

Waxa ay sheegen in Maamulka Somaliland ay daan-daansi muuqda u aragto hadalka kasoo yeeray Puntland, waxa ayna intaa kusii dareen in waxba kama jiraan ay tahay wararka la xiriira in dhaawacyada iyo meydadka jeebkooda laga soo saaray lacag iyo cadeymo ku aadan in dhalinyaradaasi ay kasoo duulaan tageen Somaliland.

Taliye ku-xigeenka Ciidamada Booliiska dawladda Puntland ayaa shalay sheegay in falalka ammaanka lidiga ku ah ee ka dhaca gudaha Puntland ay ka dambeeyaaan Maamulka Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

Arrintaani ayaa horseedi karta isku dhac iyo dagaal dhibaatooyin badan laga dhexlo oo dhex mara Maamul Goboleedyada Somaliland iyo Puntland oo iyagu ay ka dhexeyso xiisad siyaasadeed oo ay dhowr mar ka dhasheen isku dhacyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com