Guriceel (Caasimada Online) – Wararka hadda naga soo gaaraa magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in goordhow degmadaasi ay la wareegeen ciidamadii ururka Ahlu sunna ee saaka weerarka ku qaaday degmadaasi.
Xaalada degmada ayaa ah mid kacsan, waxaana la sheegayaa in dagaalka uu sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dhinacyada dagaalamay, sida dadka deegaanka ay inoo xaqiijiyeen.
Wararka waxay sheegayaan in dad badan ay ka barakaceen degmadaasi, waxaana iminka la arkayaa askarta Ahlu sunna oo dhexmaraya degmada.
Qasaaraha dagaalka ayaa lagu sheegayaa inuu gaarayo dhimashada seddex ruux oo ku sugnaa saldhiga iyo mid kamid ah xaafadaha degmada Guriceel.
Ciidamo badan oo ka tirsan kuwa dowlada Soomaaliya ayaa la sheegayaa iney isku urursanayaan degmada Dhuusomareeb, iyadoo laga baqayo inay u duulaan tagaan degmada Guriceel oo Ahlu sunna ay la wareegtay.
Wararka kale ee aan helayno ayaa sheegaya in ciidamada dowlada Soomaaliya ay ku sugan yihiin meel 2 km u jirta degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

