24.9 C
Mogadishu
Monday, December 15, 2025

Xasan Sh. oo ka tagay Dhuusomareeb

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuusomareeb (Caasimada Online) –  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta tagay magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud.

Wafdiga madaxweynaha waxaa qeyb ka ah qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeda gobolka Galgaduud iyo xubno kale  oo kamid ah dowlada Soomaaliya.

Waxaa horay magaalada ugu sugnaa wasiiro dowlaha madaxtooyada xukuumada shalay la ansixiyay iyo xubno kale oo uu kamid yahay taliyaha hayada nabad sugida Soomaaliya Mr Tuuryare.

Wafdiga ayaa markii ay ka dageen garoonka diyaaradaha ee Dhuusomareeb waxaa loo galbiyay gudaha magaalada Dhuusomareeb halkaasi oo uu kulmi doono waxgaradka iyo masuuliyiinta ku sugan degmadaasi.

Safarka madaxweynaha ayaa kusoo aadaya iyadoo maanta dagaal uu ka dhacay magaalada Guriceel oo ay la wareegeen ciidamada ururka Ahlu sunna.

La soco waxii kusoo kordhaa safarka madaxweynaha.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News