Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo dhanka Xafiiska Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa sheegaya in xafiiskiisa uu kulan muhiin ah kula qaatay xubno ka socday Beesha Caalamka.
Kulanka ayaa la sheegayaa inuu ahaa mid isugu jiray Hambalyo iyo xog u ruurin, waxa una kulankaasi qaatay ugu yaraan Saacad.
Wafdiga oo ka koobnaa dhowr qof, ayaa waxa ay Ra’isul wasaaraha ugu hambalyeeyen Ansixinta Xukuumadiisa, waxa ayna intaa kadib kala hadleen Hanaanka wada shaqeneed ee Xukuumada cusub ee Somalia iyo Beesha Caalamka.
Sidoo kale, Ra’isul wasaaraha iyo Xubnahaasi ayaa waxa ay si qoto dheer uga wada hadleen arrimo gaar ah oo aan laga bixin faah-faahin, balse waxa ay warar hoose sheegayaan inay isla qaadadhigeen Arrimaha amniga, la socodka heerka uu maraayo dadaalka hiigsiga 2016 ee Somalia, waxa ayna kula dardaarmen R/W CC inay ka faa’iideystaan fursada iminka uga harsan doorashada la filaayo inay dhacdo 2016-da.
Waxa ay balanqaaden inay garab ka qaadan doonaan hirgalinta Arrimaha Amaanka, siyaasada iyo hiigsiga doorashad ee 2016-ka.
Ra’isul wasaare Cumar ayaa ugu dambeyn Xubnahaasi kula dardaarmay inay garab lixaad leh ka qaatan in Somalia ay gaarto heer ay cagaheeda ku istaagto.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

