29.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

“R/W CC waa in uu xilka ka xayuubiyaa wasiirada wakhti dhumiska wada”…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalinimadii shalay cod aqlabiyad ah lagu ansixiyay Xukuumada Cusub ee Somalia, ayaa waxaa baaq arrintaasi ku saabsan u diray Ra’isul wasaaraha dalka aqoonyahaan Soomaaliyeed

Aqoonyahaanka Soomaaliyeed ayaa farta ku fiiqay in R/W CC uu xooga saaro Hiigsiga 2016-ka si uu yiri meesha looga saaro rajo xumidii ay Xildhibaanada ka muujinayeen diidmada Xukuumada.

‘’Cumar cabdirashiid inbadan Xildhibaanada wey dhaliileen xukuumadiisa, waxa uu taasi uga baxsankaraa in wasiirada ay si hufan u gutaan howlahooda shaqo, kii isku dayaa inuu ku tagrifalo hantida ama gudanwaayo howshiisa uu xilka ka qaada, waayo waxaa ka buuxa wasiiro aan firfircooneyn oo Wakhti lumin sameynkara’’

Muuse Cilmi Faarax ayaa sheegay in Cumar C/rashiid looga baahan yahay in Wasiiradii gudan waayo howlaha loo idmiday in uu xilka ka qaado kuwa kalana uu xooga saaro inay shaqooyinka dardargaliyaan.

“Hadii uusan taasi sameyn Ra’iisul Wasaaraha, waxaa dhici doonta in barnaamijka Xukuumadda uusan guuleysan” ayuu yiri Aqoonyahaanka.

Dhanka kale, waxa uu xubnaha xukuumada cusub ugu baaqay inay ka fogaadan dhamaan waxyaabihii looga soo horjeeday Xukuumada Cumar Cabdirashiid sida isdabamarin, cadaalad dari, nin jecleysi iyo eedeymaha kale ee loo jeediyay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News