Hadalkii taliye TAANI oo la kulmay dhalleeceyn xoogan

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, ayaa maanta si adag u naqdiyay hadal dhawaan ka soo yeeray Taliyaha ciidamada Somaliland, Nuux Taani, kaasi oo uu ku sheegay in uu ku faraxsan-yahay ciidamadii ka goostay Somaliland ee ku biiray maamulka Puntland.

Xoghayaha guud ee Waddani Khadar Xuseen Cabdi oo warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Hargeysa ayaa hadalka Taliyaha ku tilmaamay wax laga naxo, isla markaana ay xukuumada Biixi ku rabto inay dadka reer Somaliland labo ugu kala qeybiso.

Xoghayaha oo arrintaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Badhan waa dhul reer Somaliland ah, dadka badhan waa dad reer Somaliland ah askarta dhulkaas ka soo jeeda mushaharka qaadata mushaharkaas cid alle iyo cid ay marti uga yihiin ma jirto, madaxweynaana uma aha taliyaha ciidankana ugama aha waa mid ay qarankan ku leeyihiin, waxii kale ee gobalada bariga laga qabtaana ee cashuurta Somaliland lagu qabtaa maaha mid qofba qof marti uga yahay, waxa uu taliyuhu yidhi waxaanu aad iyo aad ugu faraxsanahay inay tagaan waxaana wax aad iyo aad looga naxo ah inay isaga iyo Puntland isku wax ku farxaan”.

“Waxa uu ku farxay inay ciidamadaasi ka tageen waanu ku sababeeyay shilimaan iyo dhaqaale qaranka uga badbaadaya, talihu cashuurta shuqul kuma laha shaqadiisana maaha sida loo qorshaynaayo iyo halka la marinaayaa waa arimo siyaasi ah taliyaha waxa laga doonayay ciidankiisa,akhlaaqdiisa iyo wadajirkiisa inuu ilaaliyo isaga oo ciidankiisii maalin walba ay xayni goosanayso iyada oo ciidanka maalin walba ay samacadiisu hoos u sii dhacayso”.

“Waa wax laga xumaado halkii uu arimahaas xal uga raadin lahaa waxaynu aragnay ee aynu daawanay inuu ku sheekeeyo.Guray Cismaan Saalax waa gaashaanle dawlada Somaliland ayaa siisay darajada dhawr iyo toban sano ayuu taliye guuto ahaa inuu talihiisii guud uu yidhaahdo qaranka waxba umuu qabanayan inuu tagana waanu ku faraxsanahay kuwa joogaana ha tagaan macno kele oo fog ayaa ay yeelaynaysaa, macno ah in dadka Somaliland laba loo qaybinaayo oo la leeyahay dadka qaar waxaad tihiin muwaadinka labaad ayay samaynaysaa, shacabka Somaliland waa mid”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Isbaaradan uu nabada Nuux u dhigtay ma mid uu madaxweynuu dhig yidhibaa mise isbaaro uu isagu sidiisa u dhiganaayo oo uu u arkay in aanay dan iyo wanaag ku jirin inay halkaas wanaag ka aslaaxo way soo bixi doontaa, madaxweynaa fursad ayaanu siinaynaa inkasta oo aanu inkabadan 24 sugaynay inuu arintaas wax ka yidhaahdo oo ilaa hada dawlada hadalkaas Nuux Taani wax ka danbeeyay aanay ka soo bixin oo ay muujinayso inay siyaasad dawladeed ay tahay”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com