Haddalkii kasoo yeeray Imaaraadka oo khilaaf culus ka dhex abuuray maamulka Somaliland

Hargaysa (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland, ayaa sheegaya in khilaaf Siyaasadeed uu ka dhex dhashay madaxda ugu sareysa maamulka iyo mas’uuliyiin ka kala tirsan labada Gole ee maamulka.

Khilaafka ka dhex curtay madaxda maamulka ayaa yimid kadib markii Wasiiru-dawlaha arrimaha dibadda isu tagga Iimaaraadka carabta, anwar Maxamed Qarqaash, uu sheegay inay aqoonsan yihiin midnimada Soomaaliya, isla markaana aysan xiriir gaara la laheyn maamulka Somaliland.

Khilaafka madaxda Somaliland ayaa ka dhashay erayada uu adeegsaday anwar Maxamed Qarqaash, kaa oo ahaa ‘’Innaga qunsuliyad kuma lihin Somaliland, safaaradna kuma lihin Somaliland, xiriirna lama lihin’’.

Hoggaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi, ayaa la sheegay in haddalka Wasiiru-dawlaha arrimaha dibadda isu tagga Iimaaraadka carabta, anwar Maxamed Qarqaash kadib uu kulan degdeg ah la qaatay mas’uuliyiin ka kala tirsan Madaxtooyada iyo labada Gole ee maamulka.

Waxaa la xaqiijiyay in shirkaasi uu kusoo dhamaaday qabyo, kadib markii ay madaxdu isku khilaafeen Jawaabta laga bixin lahaa haddalka kasoo yeeray Wasiiru-dawlaha arrimaha dibadda, kaa oo hoos u dhigay rajadii ay Somaliland ka laheyd goosni isutaaga iyo Siyaasad madax-banaan.

Mas’uuliyiinta shirka la galay Hoggaamiye Muuse Biixi ayaa qaarkood la saftay Biixi, halka qaarna ay ka hor imaadeen, waxaana leysu khilaafay in go’aan mideysan laga qaato Heshiiska Imaaraadka ee Dekadda Berbera, Saldhiga iyo ka jawaabida haddalka kasoo yeeray anwar Maxamed Qarqaash.

Dowlada Imaaraadka Carabta oo culeys kala kulmeysa dowlada Somalia, ayaa u muuqaneysa inay kasoo jilicday halkii ay horay u taagneyd, waxa ayna haddalka ku wiiqday xiriirka kala dhexeeyay Somalia, oo isku rogay laba daran mid dooro.

Bilihii ugu danbeeyay waxaa sii xumaanaayay xiriirka Somalia iyo Imaaraadka Carabta, waxa uuna cirka isku sii shareeray kadib markii todobaadkii hore ay Dowladda Soomaaliya la wareegtay lacag 10 Malyan oo Dollar ku dhow oo lagu qabtay garoonka dayaaradaha ee Muqdisho.

Sidoo kale, Khilaafka Dowlada Somalia iyo Imaaraadka ayaa u wareegi doona dowlada Imaaraadka iyo maamulka Somaliland oo aad loogu wiiqay haddalka Wasiiru Dowladaha anwar Maxamed Qarqaash.

Ma cadda sida uu xaalku noqon doono, waxaana la filayaa in maamulka Somaliland ay jawaab degdeg ah ka bixin doonaan hadalka kasoo yeeray anwar Maxamed Qarqaash.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com