Maxaa u sabab ah in Erdogan uu soo hormariyo xiliga doorashada dalkiisa

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa soo saaray go’aan cusub oo lagu soo hormarinaayo doorasho madaxweynaha iyo tan Barlamaanka Turkiga.

Erdogan waxa uu ku dhawaaqay in labada doorasho laga soo hormarin doono wakhtigii loogu tallo galay, si uu usoo degdego isbedelka.

Waxa uu tilmaamay in Doorashada Turkiga la qaban doono 24 bisha June ee sanadkan, waxa uuna sheegay in Turkiga ay u baahan tahay Madaxweyne isaga ka fiican.

Erdogan ayaa sheegay in dalka si deg deg ah uu ugu baahan yahay madaxweyne awood buuxda leh oo wax ka qabta dhibaatooyiinka haysta dalka.

Haddii doorasho la qabto dalkaasi ayaa waxaa madaxwaynaha la doorto uu helayaa awooda uusan imika lahayan madaxwaynaha.

Turkiga ayaa u muuqda mid kusii siqaaya xaalado dagaal, waxaana sii kordhaayay dowladaha kasoo horjeeda tan iyo markii la doortay Madaxweyne Erdogan.

Lama oga sababta soo dadajineysa doorashada uu ku dhawaaqay Madaxweynaha dalka Turkiga  Recep Tayyip Erdogan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com