“Dhameystirka dastuurka maaha in wakhtiga looga dhameeyo diyaarad raacis iyo shirar”

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka maamulka Jubbaland ayaa ka hor imaaday hanaanka ay dowlada Federaalka Somalia, gaar ahaan Wasaarada Dastuurka u wado dhameystirka Dastuurka qabyada ah.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Jubbaland Sheeh Cabdi Maxamed ayaa sheegay in Wasaarada Dastuurka dalka ay mashruuc u bedeshay dhameystirka Dastuurka qabyada ah.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland waxa uu tilmaamay in dhameystirka Dastuurka laga doorbidayo in dhaqaale lagu raadiyo, waxa uuna cadeeyay inaanu jirin dan laga leeyahay Dastuurka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka, wuxuu sheegay dhawr jeer inuu arkay in laab laabyo badan ay jiraan, midaasina ay tahay wax aan wanaagsaneyn, muhiimna ay tahay in wax ka bedel lagu sameeyo.

‘’Wixii aan horay u dareemay ayaan iminka sheegayaa Dastuurka dalka waxaa laga dhigay mashruuc lagu dhaqaale raadsado’’

Guddoomiyaha Baarlamaanka, wuxuu tilmaamay in ay mas’uul ka yihiin shacabka, loona baahan yahay howsha in loo qabti si ay ku jirto mas’uuliyad loo dhan yahay.

Dowlada Somalia ayuu ugu baaqay inay waxbadan ka bedesho qaabka loo maraayo dhameystirka Dastuurka dalka, waxa uuna cadeeyay inaan dhameystirka uu aheyn diyaarad la raaco.

Haddalka Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland ayaa kusoo beegmaaya iyadoo Wasiirka Dastuurka uu inta badan wakhtigiisa ku dhameystay safari iyo shirar aan mirro dhal laheyn.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com