Imaaraadka oo gacanta ku dhigay Diyaarad laga soo buuxiyay walxaha Qarxa

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Imaaraadka carabta ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadeeda ku sugan dalka Yemen ay gacanta ku dhigeen diyaarad laga soo buuxiyay walxaha Qarxa.

Dowlada Imaaraadka ayaa tilmaantay in diyaaradaasi la doonaayay in lagu haligo ciidamadeeda ku sugan dalka Yemen.

Diyaarada oo nooceeda yahay kuwa yaryar ayey Imaaraadku sheegen in ay ka buuxeen walxaha qarxa,waxaana ay ku sheegeen in Iraan ay la damacsaneyd in ay ku weerarto Saldhigyada Ciidamada Imaaraadka iyo kuwa Sacuudiga ee Yemen.

Dowlada Imaaraadka ayaa tilmaantay in khubaradeeda ku taqasusay Qaraxyada ay sheegen in Diyaaradda nooceedu yahay Qassef-1,taas oo lagu qabtay Xeebaha Badda cas ee dalka Yemen.

Ciidanka Imaaraadka ee jooga Dalka Yemen ayaa waxaa ay sheegeen in Diyaaraddaas haddii ay qarxi lahayd ay saameyn taban ku yeelan lahayd isu socodka Biyaha Badda Cas ee dalka Yemen.

Sidoo kale, waxa ay khasaaro nafeed u geysan laheyd boqolaal dad ah, waa haddii ay Qarxi laheyd, sida ay Imaaraadku hadalka u dhigeen.

Dhinaca kale, Dowladda Iraan oo lagu eedeeyay in ay leedahay diyaaraddan ayaan wali ka hadlin eedda loo jeediyay.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA

Natiijada sawirka Qassef-1