Imaaraadka carabta oo Agabkii ka yaalay Muqdisho ku raraneysa Markab xamuul ah

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in dowlada Imaaraadka carabta ay Somalia usoo dirtay Markab la doonaayo in lagu guro agabka ka yaala Somalia.

Markabkaan ayaa la xaqiijiyay inuu daadgureynaayo qalabka Imaaraadka ka yaal Somalia, sida Xerooyinka ciidan, Gaadiidka Gaashaman iyo dhammaan waxyaabihii ay ku howlgalayeen oo ay la imaaden magaalada Muqdisho.

Markabkan la sheegay inay la socdaan Saraakiil ciidan ayaa ujeedkiisa waxa uu yahay inuu horay usii qaado Diplumaasiyiin, Saraakiil iyo Ciidamo kusii sugnaa xarumaha iminka la raraayo alaabahooda.

Agabka ugu badan ee uu raraayo Imaaraadka ayaa laga soo saaray xerada tababarka ee Janaraal Goldan oo ay kala baxeen Gawaarida Ciidamada Bullet Proof iyo sidoo kale Qalab ciidan.

Alaabahan ayaa la geeyey dekada Muqdisho si ay markabkaas ugu rartaan dibna ugu celiyaan dalkooda, waxaana Dekada weyn ee Muqdisho u taagan Markab weyn si ay ugu rartaan Qalabka milateri ee ka yaalla muqdisho.

Dowladda Imaaraadka ay ku dhawaaqday in ay joojisay tababarkii Ciidan oo ay ka waday Soomaaliya, waxaana xigay talaabada ay ku daadgureyneyso dhammaan agabkii ka yaalay magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, dowlada Somalia ayaan weli ka hadal go’aanka ay dowlada Imaaraadka carabta dalka ugala baxeyso agabkeeda Militery, xili la doonaayay in laga reebo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com