Musharaxiinta ku loolameysa kursiga JAWAARI baneeyey oo bilaabay la kulanka xildhibaanada

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii ugu danbeeyay magaalada Muqdisho ka bilowday ololaha ay Musharaxiinta ku raadinayaan codka Xildhibaanada BFS si ay u buuxiyaan Kursiga uu iska casilay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Musharaxiinta oo ay sii kordheyso tiradooda ayaa waxa uu mid waliba ku dadaalayaa sida uu ku heli lahaa codadka Xildhibaanada baarlamaanka Somalia.

Musharaxiinta ugu badan ayaa iminka cod raadintooda kawada Hoteel SYL oo kasoo horjeeda Xarunta Villa Somalia iyo Hoteel Jazeera oo ah rugta ay ku kulmaan dhammaan mas’uuliyiinta dowlada.

Xildhibaanada ayaa la kala safan Musharaxiinta waxaana xiliyada qaar arkeysaa Xildhibaano Musharaxiinta si bareera ugu raadinaaya cod, ka hor inta aan la gaarin doorashada.

Sidoo kale, Musharaxiinta qaar ayaa ku hari doona dhanka dhaqaalaha diiwaan galinta oo loo badinaayo inay ka badnaan doonto lacagihii hore ee uu isku diiwaan galiyay Guddoomiyaha is casilay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Dhinaca kale, dhinacyada wata Musharaxiinta ayaa waxaa qeyb ka ah Madaxtooyada Somalia oo loo badinaayo inay wadato dhowr Musharax.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com