Haddii Imaaraadka ay sidan ku sameeyeen Mareykanka ma u daahayaan Somalia?

Dubai (Caasimada Online) – Soomaali badan ayaa aad uga carreysan faro-gelinta siyaasadeed ee Imaaraadka Carabta ay ku hayaan siyaasadda gudaha dalka Soomaaliya, oo ay qas xooggan ka wadaan.

Hase yeeshee waxaa hadda soo baxday, in iska daa Soomaaliya, Imaaraadka ay xitaa faro-geliyeen siyaasadda Mareykanka iyo doorashadii dalkaas ka dhacday 2016, ayaga oo taageero siinaya Donald Trump, sida ay baahiyeen warbaahinta Mareykanka.

Hase yeeshee, Wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Anwar Gargash ayaa arrintan ku beeniyey qoraal uu soo dhigay barta twitter-ka, kadib markii warbaahinta Mareykanka ay sheegeen in Donald Trump Jr, uu la kulmay safiirada Sacuudiga iyo Imaaraadka, sanaddii 2016.

“Waa in dareen lagu bixiyaa xaqiiqda intii la eegi lahaa warar aan jirin. Imaaraadku marna dadaal kuma bixin doorashadii Mareykanka ee 2016” ayuu Gargash ku qoray bartiisa twitter-ka.

“Si la mid ah dowldaha kale ee saaxiibka la ah Mareykanka, Imaaraadku waxay xiriir la lahaayeen shaqaalaha iyo la-taliyayaasha labada olole ee madaxweyne, si ay wax uga ogaadaan musharaxiinta iyo mowqifkooda siyaasadda arrimaha dibedda” ayuu yiri.

Wargeyska New York Times ayaa toddobaadkii tagey qoray in wiilka madaxweyne Trump ee Trump Jr uu ergada Sacuudiga iyo Imaaraadka la kulmay ayaga oo aad u danaynayey in aabahiis uu ku guuleysto Aqalk Cad.

Qareenada Trump Jr, ayaa sheegay in waxba aysan kasoo bixin kulankaas.

Su’aasho waxay tahay, haddii Imaaraada Carabta ay faro-geliyeen Mareykanka, oo ah dalka ugu quwadda weyn dunida, ma u daahayaan Soomaaliya?

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
caasimada@live.com