25.4 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

“Haddii Itoobiyaan aysan soo buuxin magaalooyinka Somalia, sidan ma noqdeen”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee wax ka bartay jaamacadaha magaalada Muqdisho ayaa dood cilmiyeed ka sameeyay saameynta mustaqalka ay ku yeelan karaan dhalinyarada Ethiopian-ka ah ee kusoo badanaya gobolada waqooyi ee dalka.

Dhalinyaradan ayaa sheegay in is afgaradka dowladda Soomaaliya iyo Ethiopia oo Eritrea ay qeyb ka tahay ay faa’iido ugu jirto Soomaalida, balse ay jiraan arin halis ah oo ka jirta deegaanada Somaliland iyo qeybo kamid ah Puntland oo aan lagu baraarugsaneyn.

Dhalinyarada ayaa sheegay in deegaanada Somaliland iyo Puntland ay ku bateen dadka Ethiopian-ka ah ee halkaasi ka shaqeeysta, kuwaasi oo la sheegay inay ku shaqeeyaan lacag aad u jaban.

Sidoo kale waxay sheegen in goobaha timaha lagu jaro, dhismayaasha, caseeyaha iyo dhamaan shaqooyinka yaryar ay ka shaqeeyaan dad Ethiopia, kuwaasi oo dhalinyarada ku qasbaya inay ka tahriibaan Somaliland.

Waxay sidoo kale la sheegay in dhalinyarada deegaanka u dhalatay ay doonayaan inay dhaqaalo fiican ku shaqeeyaan, laakiin Ethiopian-ka ay ku shaqeynayaan dhaqaalo aan badneyn.

“Haddii Ethiopian u imaan laheyn waxay ka shaqeyn lahaayeen hoteelada, tima jaraha, caseynta, xitaa jaariyadaha waa Ethiopian, taasi ayaa u sabab u ah inay dhalinyaradeena ka tahriibaan Somaliland iyo Puntland, Koofurta kaliya ayaa ka badbaaday in Ethiopian badan yimaadaan”sidaasi waxaa yiri mid kamid ah dhalinyarada ka qeyb galaysay barnaamij ka baxayay TV-ga Goobjoog.

Arintaasi ayaa u baahan in khabiiro loo saaro, maadaama ay sheegeen inay mustaqbalka ay sheegan doonaan deegaanada qaar ee xuduuda ku yaala, maadaama hadda xitaa ay salaadiin ku dhex leeyihiin deegaano Somaliland ka tirsan.

Caasimada Online
Xafisa Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News