32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

“Hadduu Xasan rabo inuu Damu-Jadiid qanciyo, ha ka shaqeeyaan xafiiskiisa xilalka qaranka cayaar cayaar ma ahan”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli qeylo dhaan laga muujinayaa qaab dhismeedka iyo ku dhawaaqista Golaha wasiirada Xukuumada Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali.

Xildhibaan Cabdi dhuxulow oo kamid ah Mudanayaashii kasoo horjeeday magacaabista wasiiradii hore, ayaa hadana mar kale ku celshay in Madaxweynaha looga baahan yahay inuu dhowro sharciga dalka islamarkaana uu kala qaado qancinta shaqsiyaad iyo ku dhaqanka sharciga Qaranka.

Waxa uu sheegay inay suuragal tahay in Xassan uusan ka maarmin inay la shaqeeyan asxaabtiisa, balse uu xor u yahay inuu ka howlgaliyo xafiiskiisa uusan dib usoo celin Wasiiro horay ugu fashilmay Wasaaradihii loo magacaabay, isagoona sheegay in Qaran uusan tijaabo galin.

Waxa uu mar kale tilmaamay in dhamaan Wasiirada lasoo celiyay ay yihiin kuwa la wada Ogyahay inay ku fashilmeen xilkaasi, balse uu arrinkaasi u arko ayaan daro.

“Waxaan rabnaa inaan u cadeyno inuusan nooga talla gelin in aan codka kalsoonida siino Golahiisa Wasiirada. Asagana ma siin doono cod dambe oo kalsooni ah”

Dhanka kale, Waxa uu xildhibaanada ugu baaqay in Sanadkaani ay ka fiirsadaan in la la garabmaro wax waliba oo fashilinkara Qaranka sida wasiirada dib loo soo celshay, ayuu yiri

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News