R/W Ethiopia oo ka hadlay khilaafka DF iyo C/raxman Faroole, xalna yaboohay

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Iyadoo dhawan dalka Itoobiya ay heshiis ku soo gaaren DF Somalia iyo maamulka Axmed Madoobe ayaa hadana waxa ay dooneysa dowlada Itoobiya in ay qabatay shirkada oo ay ku dhax dhaxaadineyso maamulada ka jira Somalia.

R/wasaaraha dalka Itoobiya Haile Mariam Desalegne ayaa sheegay in dowladiisa hada ay wado barnaamij ku aadan sidii ay isugu keeni lahaayeen DF Somalia iyo maamulka Puntland oo hada xiriirkooda uusan wanaagsaneyn.

Ka dib kulan oo Adis Ababa kula yeeshay Haile Mariam Desalegne madaxweynha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa waxa ay kaga wada hadleen sidii loo hagaajin lahaa xiriirka kala dhaxeeya dowlada Somalia.

Maamulka Puntland ayaa dhawaan shaacisay in xiriirka ay u jartay  DF Somalia ka dib markii ay ku eedeysay in ay wax ka badashay Destuurka dalka u yaala oo ay Puntland qeyb ka tahay.

Ugu danbeyntii Haile Mariam Desalegne ayaa sheegay in Dowladiisu ay diyaar u tahay wax kasta oo lays kugu keeni karo dhinacyada isku khilaafsan arimaha siyaasada dalka Somalia.

Lama oga xiliga uu dhici doonaan shirkaan ay Itoobiya sheegtay in ay ku dhaxdhaxaadineyso DF Somalia iyo maamulka Puntland oo maalmihii ugu danbeeyay uusan wanaagsaneyn xiriirkooda.

Isha: Hadaf News Network