Dhageyso: Xubnihii Puntland u matalay shirka Muqdisho oo runta sheegay

Muqdisho (Caasimada online) Maxamed Xaajir Aadan wuxuu ka mid yahay Ergada qeybta ka ahaa shirka geedi socondka Siyaasadda Soomaaliya ee Muqdisho lagu soo gabagabeeyay, waxaana uu sheegay in shirkan uu uga qeyb galayo Magaca Maamulka Puntland .

Arintaan ayaa waxay ka hor imaaneysa xilli kulan ka dhacay Magaalada Garoowe ay maamulkaas ku go’aamiyeen in wax waliba oo shirkaas kasoo baxa aysan Puntland aqoonsaneyn .

Maxamed Xaaji, Wuxuu sheegay in Shirkan Geedi Socodka Siyaasadda Soomaaliya , waxaana uu sheegay inuu qeyb ka ahaa ragii Puntland ay usoo xil saaraya Shirkan iyo Shirklii kasii horeeyay ee Dastuurka Soomaaliya .

Wuxuu talo ahaan u soo jeediyay in la xakameeyo Maamuul Goboleedyada Sii kordhaya ee ku baahaya dalka , isagoo tusaale usoo qaatay Ximan iyo Xeeb , Galmudug, Puntland , Somaliland, Khaatumo, iyo Jubba taas oo uu sheegay inay sii horseedeyso kala qeybinta Soomaaliya .

Xaaji, ayaa sheegay si loo yareeyo Maamulkaas ayuu sheegay inuu ku baaqayo in Lixdii gobolba hal maamul in loo sameeyo , Taasi oo sida uu sheegay ka sahlanaaneyso sida  hada  wax u socdaan.

Puntland waxay si cad u sheegtay in ay kasoo horjeedo guud ahaan waxa kasoo baxay shirka Muqdisho ka socnayay Mudada Shanta maalin ah ee geedi socodka siyaasadda Soomaaliya .

Waxaana dhawaan ay shaca ka qaaday inay tahay dowlada ka madaxbanaan Soomaaliya inteeda kale isla-markaan aysan ka qeyb galeen Shir ay soo qabanqaabisay dowlada Soomaaliya inkastoo haatan ay soobaxayaan inay jiraan ergo ka socota Puntland inay shirka Muqdisho kusoo dhamaaday ay qeyb ka ahaayeen.

Halkaan Hoose Ka dhageyso codka Maxamed Xaajir Aadan

Halkaan ka dhegyso Maxamed Xaaji Aadan

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com