Jaamac Cali Jaamac: Haddii Puntland ay xiriirka u jartay DF Somalia, xaq uma lahan xildhibaano iyo wasiiro midna

Muqdisho (Caasimada Online) Siyaasi Jaamac Cali Jaamac, oo horey u soo noqday madaxweynaha Puntland ayaa ka hadlay go’aan dhawaan maamulka Puntland uu qaatay oo ah in ay joojiyeen wadashaqeenta ka dhexeesa iyaga iyo dowladda Soomaaliya.

Siyaasigan ayaa ka mid ahaa  mas’uuliyiin lagu casuumay shirweyne dowladda ay ku qabatay magaalada Muqdisho, kaasoo looga hadlaayay hiigsiga 2016-ka in Soomaaliya ay ka dhacdo afti dadweyne iyo in nidaamka fedaraalka laga hirgaliyo dalka oo dhan.

Isagoo la hadlaayay wariyaasha ayuu Jaamac Cali Jaamac sheegay in uu aad uga xun yahay go’aanka Puntland qaadatay, haddana sidaas oo ay tahay in Puntland, xildhibaanno,wasiir, iyo wasiir ku xigeen ay ku lee yihiin dowladda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay marba haddii Puntland ay lee dahay waxaan xiriirka u jarnay DF Somalia waa ay in la baxdaa dadka umatalaya dowladda iyo baarlamaanka ayuu yiri.

“Haddii Puntland ay xiriirka u jartay DF, xaq uma lahan xildhibaano iyo wasiiro midna” ayuu yiri

“Anniga uma arko tallaabo fiican go’aanka ay gaartay Puntland, balse haddiiba ay lee dahay waan joojinay wadashaqeenta dowladda waa in ay kala baxdaa dadka u matalaya waayo waxaan ognahay in xildhibaanno ay ugu jiraan baarlamaanka, wasiir iyo wasiir ku xigeenana ay ku lee dahay xukuumada Soomaalia”

Siyaasi Jaamac Cali Jaamac ayaa sheegay in go’aankaas uu yahay mid aan loo dhammeen oo gaar u yahay maamulka hadda jira ee madaxweynaha uu ka yahay Puntland.

“Nin la qasbi karo ma lahan, nin hadiiddo ama hayeelo, maxaa yeelay masiirka Soomaaliya meelaha looga hadlaayo qof fasax looga qaadanaayo ma lahan ayuu yiri” Jaamac Cali Jaamac.

Si kastaba, hadalka Jaamac Cali Jaamac ayaa ku soo beegmaya iyadoo maamulka Puntland uu sheegay in uu qaadacay shirkii ka dhacay Muqdisho oo ay joogeen qaar ka mid ah maamulada ka jira Soomaaliya, sida Galmudug iy Ximin iyo Xeeb.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com