Hailemariam oo sheegay hal arrin oo aysan marnaba kala hadli doonin maamul goboleedyada Soomaaliya

Adis Ababa (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya ayaa booqday dhawaan dalka Itoobiya halkaas oo uu kulan xasaasi ah kula qaatay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya H.E. Hailemariam Dessalegn, wuxuuna kulankaas ahaa midkii ugu horeeyey ee dhex mara labada Mas’uul.

Haddaba labada Mas’uul ayaa markii ay wada hadleyn waxay saxaafadda la wadaageen qodobadii ay ku heshiiyeen, Caasimadda online ayaana xoogga saartay inay waxyaabihii ay labada Mas’uul saxaafadda u sheegeen kasoo qaadato qodobadii ugu muhiimsanaa, waxaana idinkaga soo dhignay Af-Soomaali , maadaama war saxaafadeedka ahaa mid ku baxay luuqadda Ingiriiska.

Qodobada ugu horeeyo oo aan warbixintaan uga hadli doono waa Ra’isulwasaaraha Itoobiya oo ka dhawaajiyey hal arrin oo aysan kala hadli doonin Maamul Goboleedyada dalka ka jiro, waxaadna qodobkaas ka daawan kartaa muuqaalka hoose, gaar ahaan daqiidda 04:31 – 06:07

Ra’isulwasaaraha Itoobiya H.E. Hailemariam Dessalegn ayaa si toos ah u shaaciyey inaysan maamul Goboleedyada Soomaaliya ka jira kala hadli doonin arrimaha ku aadan amniga iyo dhisidda ciidamada Qaranka ee la filayo in Soomaaliya loo dhiso, waxaana garabkiisa taagnaa Madaxweyne Farmaajo oo u riyaaqayey  hadalkaas lana arkayey isagoo madax ruxayo si uu u muujiyo inuu ku qanacsan yahay hadalkaas.

“ Sida ka muuqato heshiiska, System-ka Federaalka Soomaaliya wuxuu uu baahan yahay dowladd federal oo awood leh, sidoo kalana maamul Gobleedyo leh xuquuq dastuuri ah, dowladda dhexe ayeyna khuseysaa arrimaha amniga iyo qaranimada Soomaaliya, Ilaalinta madax banaanida iyo qaranimada waa aasaaska wada shaqeynta labada dowladood ee Itoobiya iyo Soomaaliya” ayuu yiri Ra’isulwasaaraha Itoobiya

“ Dowladda Itooboya waxay diyaar u tahay inay Soomaaliya kala shaqeyo sidii loo dhisi lahaa ciidamo qaran, waxaana diyaar u nahay inaan sameyno wax kasta oo ay naga codsato dowladda Soomaaliya, Qorshaha sameynta ciidamada waa howl u taal dowladda Soomaaliya, iyadaa mas’uuliyaddaas iska leh,  iyadaana laga rabaa inay qoroto qaabka ay u sameysaneyso” ayuu hadalkiisa sii raaciyey”.

“ Dowladda Itoobiyana waxay diyaar u tahay inay arrimaha ciidamada Qaranka Soomaaliya si toos ah ugala hadasho dowladda dhexe” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey.

Ujeedka hadalkaas ayaa ah inaysan dowladda Itoobiya wax dhisidda ciidamada qaranka kala hadli doonin maamul Goboleedyada balse ay si toos ah ugala hadli doono dowladda dhexe.

Arrinta uu ka dhawaajiyey Ra’isulwasaaraha Itoobiya ayaa ah arrin sharci ah marka loo fiiriyo Federalism-ka, waxaana waajib ah inay arrimahaas dowladaha kala hadasho dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Haddii uu Ra’isulwasaaraha Itoobiya ka dhabeeyo ballanqaadka uu Madaxweyne Farmaajo u sameeyey kana mid aheyd heshiiska labada Mas’uul, waxayna fursad weyn u noqon doontaa Ummadda Soomaaliyeed, maadaama  Itoobiya looga bartay inay si toos ah arrin kasta kala hadasho maamul Goboleedyada.

Kulanka labada Mas’uul ayaa lagu tilmaamay inay macquul tahay inuu xal u noqdo xiriirka xun ee ka dhaxeeyo labada dowlad, maadaama markii la doortay Farmaajo ay ka xumaatay dowladda Itoobiya oo aragto inuu yahay nin aan diyaar u aheyn inuu la macaamilo.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET