“Hal arrin oo ay Somaliland ku waayi karto taageerada beesha caalamka” (Aqri)

Hargeysa (Caasimada Online) ― Boqor Cismaan Buurmadow oo ka mid ah madax-dhaqameedka Somaliland ayaa ka hadlay Arrimaha doorashooyinka Somaliland iyo xaalada guud ee ka jirta deegaanada Somaliland.

Boqor Buurmadow ayaa sheegay in xukuumada Somaliland iyo xisbiyada mucaaridka looga baahanyahay in doorashooyinka ay waqtigooga ku qabtaan, haddii kale ay Somaliland waayi doonto taageerada iyo tix-gelinta ay ka hesho beesha caalamka

Buurmadow ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay xiisada u dhaxeysa Xukuumada iyo Jabhada uu hogaamiyo Kornayl Caare, isagoona baaq u direy Madaxweyne Biixi, wuxuuna yiri “Dalku xaalada uu marayo hadal badan uma baahna, dalku wuxuu u baahan yahay dhawris iyo xanaano fara badan”.

“Xukuumada iyo xisbiyada waxaan u soo jeedinayaa laba arrin oo taagan oo midi doorashadii caalamku inagu tix-galinayey ahayd, inta qudha ee aynu naruuro lahayn ama caalamku inoogu soo joogsanayey waa doorasho, haday inoo dhici waydana waxaynu noqonaynaa dad caalamkuna indhaha kala noqdo”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Arinka kale ee hada taagan ee buurta ee la leeyahay waa lays horfadhiyaa labadaba tanaasul iyo nabad galyo ayaan xukuumada iyo dadka ehelka ah ee aanu walaalaha nahay ugu baaqayaa”.

“Madaxweynaha iyo xukuumada waxaan leeyahay arrimaha taagan oo dhan mid dhibaato ah ha noqoto ama cid mucaarid ku ah dawlada ha noqotee ama arin siyaasadeed oo doorasho ah ha noqotee inay dhimriso oo dajiso ayaan kula talinayaa”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com