Somaliland oo xabsi dhigtay wariye si weyn ugu ololeyn jiray Madaxweyne Biixi

Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Xukuumada Muuse Biixi ay xabisga dhigtay Wariye si weyn ugu ololeyn jirey Madaxweyne Muuse Biixi.

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay Wariye Maxamed Yuusuf Bakayle, xili uu ku sugnaa gudaha magaalada Hargeysa.

Maxamed Bakayle ayaa ahaa Wariye si weyn u taageera siyaasada xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye iyo Madaxweyne Muuse Biixi, isla markaana ka qeyb qaatay ololihii uu ku soo baxay Muuse Biixi.

Ilaa iyo hadda ma jirto war rasmi ah oo ka soo baxay laamaha amaanka iyo xukuumada Kulmiye oo ku aadan xariga Wariyahan.

Xukuumada Muuse Biixi ayaa waxay hore xabsiga u dhigi jirtay Suxufiyiinta dhaliila siyaasada maamulkeeda, balse talaabadan ayaa u muuqata mid ka gadisan kuwii hore.

Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com