25.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Hal awood oo Somalia ku xanuunjin karto Kenya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Kenya waxay ciidamo ka joogaan Soomaaliya kuwaasi oo qayb ka ah howlgalka lagu caawinayo dowlada Soomaaliya ee AMISOM, sidoo kale labada dowladood waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah siduu doonaba ha ahaadee kaasi oo la xariira dhinaca ganacsiga, amaanka iyo iskaashiga xaga siyaasada.

Mudooyinkaan danbe waxaa soo baxayay dhacdooyin badan oo saamayn ku yeelan kara xiriirka labada dowladood ee daris ah, kana imaanayay xaga kenya, waxaana dhacdooyinka qaarkood ay noqdeen kuwo saamayn badan ku yeeshay shacabka Soomaaliyeed oo siyaabo kala duwan loo fasiray.

KENYA IYO BAHDILKA MADAXDA SOOMAALIDA.

21-kii Bishaan Feberayo ayay ahayd markii wafdi uu hogaaminayay Ra’isul wasaaraha Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen xildhibaano iyo wasiiro si xun oo aysan jecleesan loogula dhaqmay garoonka diyaaradaha ee magaalada Nairobi.

Wafdigaan ayaa waxaa garoonka lagu xayiray mudo ka badan 15-saacadood, waxaana saraakiisha amaanka ee garoonka diyaaradaha ee Kenya ay u sheegeen inay baarayaan oo ay iska ilaalinayaan amaan daro.

R/wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa falkaan ku tilmaamay qalad cad oo dowlada kenya ay ka gashay dowlada Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale cadeeyay arintaan inay dhaawici karto xiriirka labada dowladood.

Xildhibaan Cabdulaahi Jamac oo ka mid ahaa wafdiga R/wasaaraha ee u socday Turkiga ee lagu xanibay garoonka Joma Kenyatta ee magaalada Nairobi, ayaa xaqiijiyay sharaf daro ah in loogula dhaqmay madaxda Soomaalida oo uu ka mid ahaa R/wasaaraha iyo shacabkii Soomaaliyeed ee safarka ahaa.

KENYA IYO HOWALGALKA AMISOM.

Kenya ciidamo ayaa ka jooga Soomaaliya kuwaasi oo qayb ka ah howlgalka AMISOM ee lagu taageerayo dowlada, waxaana ciidamadaasi ay dalka soo galeen sanadkii 2011-kii agaya oo aanan qayb ka ahayn AMISOM, sidoo kalana aanan ka amar qaadan dowladii xiligaasi jirtay oo KMG aheyd.

Sidoo kale ciidamada Kenya waxay horay u hor-istageen madax ka tirsan dowlada federaalka kuwaasi oo doonayay inay tagaan magaalada Kismaayo iyadoo ciidamada Kenya ay garab siinayaan maamulka Jubbaland.
Sidoo kale waxaa duqaymo ciidamada Kenya ay ka geysteen Jubbooyinka iyo gobalka Gedo kuwaasi oo uu ka dhashay khasaaro badan oo soo gaaray dadka shacabka ah ee ku nool deegaanada la duqeeyay, mana jirto jawaab canbaarayn dhaafsiisan oo madaxda dowlada ay ka bixiyeen arinkaasi.

DHAQAALAHA KENYA AY KA HESHO SOMALIDA.

Waxaa jira dhaqaalo badan oo dowlada kenya ka soo gala Khaadka ama Jaadka faraha badan ee maalin kasta loo iib keeno magaalooyinka Soomaaliya, in ka badan 20-diyaaradood oo maandooriyahaan sida ayaa qiyaastii maalintaka yimaada qaar kamid ah magaalooyinka dalka.

Magaalada Muqdisho waxaa yimaada maalin kasta qiyaastii in ka badan 10-diyaaradood oo sida Jaad, kuwaasi oo ay ku raranyihiin 1200, (kun iyo Labo Boqol oo Jawaan) waxaana halkii jawaan kenya looga keenaa lacag gaaraysa $600. (Lix Boqol oo Dollar) Isku cel celis ahaan bishii Kenya Soomaaliya waxay ka heshaa 21-Million iyo 600,000, oo doolar sida aan ka soo xiganay Abuukar Khaadiid oo ah nin u ololeeya jooginta Khaadka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horeeysay shaaciyay in Khaadka la keeno Soomaaliya lagu kordhin doono Canshuuraha, sidoo kale xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyay inay wadaan Mooshin ka dhan ah Khaadkaan, Laakiin dadka qaar ayaa u arka haddii xataa xildhibaanadu ay go’aan ka gaaraan Jaadka in Kenya ay u furantahay inay ka dajiso gobalada kale maadaama maamul gobaleedyada qaar ay la leedahay gacan saar wanaagsan.

Sidoo kale dhaqaalaha Kenya waxaa qayb wayn ka ah hantida maal qabeeno Soomaaliyeed kuwaasi oo ganacsi baaxad wayn ku leh wadanka Kenya haba ugu badnaadeena xaafada Soomaalida ee Islii ee ku taala magaalada Nairobi, dowlada Kenya waxay taageero badan caalamka ay kaga heshaa qaxootiga faraha badan ee Soomaaliyeed ee mudada dheer ku jira xeryaha ku yaala dalkaasi.

MURANKA BADA EE SOOMAALIYA IYO KENYA.

Arintaan waxay ku soo aadaysaa iyadoo labadaan dowladood uu u dhaxeeyo muran xaga bada ah, waxaana dowlada Kenya ay doonaysaa mudo dheer in murankaasi jira lagu dhameeyo wada hadal labada dowladood ah laakiin waxaa arintaasi diiday dowlada Soomaaliya oo dacwada arintaan u gudbisay maxkamada Caalamiga ah ee ICC. Xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya Dr. Axmed Cali Daahir ayaa si cad u sheegay in dowlada Soomaaliya marnaba aysan dowlada Kenya kala hadlayn murankaan laakiin maxkamadaasi Caalamiga ah ay ku kalsoonyihiin.

GABO GABO.

Dhacdooyinkaan oo dhan ayaa ku soo aadaya iyadoo hogaamiyaasha Soomaalida ay aad u kala qaynsanyihiin oo dowlada Soomaaliya iyo dowladaha qaybta ka ahba aysan lahayn hal aragti ama hal siyaasad oo ay ku mideysanyihiin.

Dadka siyaasada Soomaaiya la socda ayaa qaba go’aan kasta dowlada Soomaaliya ay qaadato inuusan saamayn badan ku yeelan karin arimahaan maadaama kenya ay si toos ah ula kala xariirto maamulada qaybta ah dowlada oo midba si’ ay u macaamilaan.

Ugu danbayn: Su’aashaydu waxay tahay Danta Kenyatiga iyo kala qaybsanaanta Hogaanka Soomaalida sidey u saamayn karaan shacabka Soomaaliyeed.?

W/Q:-MAXAMED KAAFI SHEEKH ABUUKAR

- Advertisement -

Read more

Local News