Halis cusub: Erdogan oo shaaciyay qorsho halis ah oo uu damacsan yahay Trump

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa shaaca ka qaaday in dowlada Mareykanka ay wado qorsho lagu abuuraayo Kooxo argagixiso oo ka halisbadan Daacish.

Erdogan waxa uu sheegay in qorshahaani uu gadaal ka riixaayo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo khatar u arka xasiloonida qeybo kamida Syria iyo Turkiga oo hadda nabdoon.

Waxa uu Erdogan tilmaamay in Donald Trump uu dajiyay qorsho lagu sameynaayo Kooxdan argagixiso oo ka dagaalami karta xuduuda Syria iyo Turkiga.

Madaxweyne Erdogan waxa uu intaa ku daray in Kooxdaasi laga abuuraayo goobo muhiim ah, waxaana tababarada kooxdaasi bixin doona tababarayaal aan la sheegin halka ay kasoo jeedan.

Erdogan waxa uu suuragal ka dhigay in burburka Turkiga uu Trump u adeegsan doono dagaalyahanada Kurdishka oo uu ku sifeeyay laba wajiilayaal ugu danbeyn kusoo jeedsan doona Maraykanka.

Isagoo ka hadlaayay suuragalnimada caqabado uu Trump u abuuro Turkiga ayuu yiri “Waxa nagu haboon in aan sameyno waa in aan ka hortagnaa argagixisada ka hor inta ay saameyn ku yeelan dhulkeena,”.

Dowlada Turkia ayaa heshay macluumaad sheegaya in Maraykanku qorsheeynayo in la dhiso 30,000 oo ciidama xooggan oo ilaaliya xudduudaha kaas oo ay ku lug leeyihiin dagaalyahanada Kurdiyiinta ee waqooyiga Suuriya.

Si kastaba ha ahaatee, Xukuumada Ankara ayaa waxay u aragtaa dagaalyahanada Kurdish YPG urur argagixiso ah oo xiriir la leh dagaalyahanada Kurdiyiinta ee gudaha Turkiga kuwa oo raadinaya madax-bannaani dheeraad ah. halka Maraykanku uu u arko kooxda YPG xoog wax ku ool ah ee dagaalka looga soo horjeedo Daacish.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com