Diyaaradaha dagaalka Qadar oo qalqal galiyay Diyaarad laga leeyahay dalka Imaaraadka

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida lagu qoray wargeysyada kasoo baxa magaalada Abu Dabai, diyaaradaha dagaalka Qadar ayaa qalqal duulimaad galiyay diyaarad rakaab oo ay leedahay dowlada Imaaraadk carabta.

Wargeysyada oo xiganaaya mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Imaaraadka ayaa sheegay in diyaaradaan la qal-qal geliyay ay u socotay dalka Baxreyn.

Dowlada Imaaraadka ayaa sheegtay inay qaadi doonto talaabo sharciga waafaqsan oo dowlada Qadar looga nabad galin doono diyaaradaheeda rakaab.

Afhayeen u hadlay dowladda Qatar ayaa diiday eedeymaha loo soo jeediyey, waxa uuna sheegay in dowladiisa aysan xiligaan diyaar u aheyn inay qaado talaabo military.

Isagoo ka jawaabaya daan-daansiga Imaaraadka ayuu yiri “ Wararka sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee Qatar ay weerareen diyaarad Imaaraad ah  waa war aan run aheyn oo mala awaal ah”.

Si kastaba ha ahaatee, talaabadan ayaa kusoo aadeysa maalin kadib markii saxaafada adduunka ay baahisay in amiir ka tirsan qoyska Qadar lagu xiray dalka Imaaraadka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com