Halis kale oo soo wajahday Al-Shabaab kadib markii…

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab oo muddo afar bilood ah ku jirta dagaal toos ah oo ka dhashay kacdoon shacab oo ay horkaceyso dowladda ayaa wajaheyso xaaladdii ugu adkeyd sida uu shaaca ka qaaday wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo qoraal kooban soo saaray ayaa sheegay in Al-Shabaab ay guul darrooyin waa weyn ay kala kulantay dagaalka haatan ka socdo gobollada dalka.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in haatan ay soo wajhaday xaalad kale oo halis ku ah jiritaankeeda, isaga oo tilmaamay in ay gabaabsi ka yhiin adeegyada caafimaadka, dhaqaalaha, xiriirka iyo sidoo kale isku socodka dhexdooda ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Khawaarijtu ka sakoow guuldarrooyinka Dagaalka tooska ah, waxaa gabaabsi ku ah adeegyada Caafimaadka,socodka, Xiriirka iyo Dhaqaalaha, marxalad dhinac kasta ka adag ayay ku jiraan, alle mahaddiis!,” ayuu qoraalkiisa ku yihi wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala.

Dowladda Soomaaliya ayaa guullo waa weyn ka sheegatay dagaalka haatan socdo, kaas oo ay sheegtay inay ku dishay boqalaal ka tirsan Shabaab, kuna qabsadatay deegaano horleh.

Howlgalladan ayaa keenay in sidoo kale go’doonka laga qaado degmooyin iyo deegaano ka tirsan dowlad goboleedka HirShabelle, kadib markii ay gaareen ciidamada huwanta oo haatan kusii siqaya degmada Aadan Yabaal oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe

Al-Shabaab ayaa Aadan Yabaal ku lahaa saldhiggooda ugu weyn ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waana meesha ugu dambeysa ee ay haatan kaga sugan yihiin gobolkaasi.